Daawo: War cusub oo kasoo kordhay ciidamada DF ee u gacan galay Puntland
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul) oo shir jaraa’id ku qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa faah-faahin hordhac ah ka bixiyay ciidamo ka tirsan Federaalka oo saaka ciidamada…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul) oo shir jaraa’id ku qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa faah-faahin hordhac ah ka bixiyay ciidamo ka tirsan Federaalka oo saaka ciidamada ammaanka Puntland ay qabteen, kadib markii ay kasoo gudbeen dhanka Galmudug.
Fardafuul ayaa xaqiijiyay in ciidankaas ay haatan gacanta ku hayaan, isaga oo sheegay in la doonayay in gudaha Puntland la soo geliyo, si ay falal amni-darro ah uga geystaan.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamadan lagu waday laba gaari oo ay leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana ay soo jiireen kastamka dhexe, balse lagu qabtay gudaha waqooyiga Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland.
Ma shaacin taliyuhu tirada askarta la qabtay, waxaase uu tilmaamay in ay wadeen saraakiil iyo macallimiin tababarayaal ah.
“Ciidamada Booliska oo shaqadooda maalinlaha watay waxay gacanta ku dhigeen abaare 6:00 Am laba gaari oo waa wayn oo jeemisyo ah waxayna wadeen ciidan, kuwaas oo ka tirsan Federaalka, waxaaana waday saraakiil oo uu ku jiro madaxa tababarka gobollada dhexe, Carab Maxamed Maxamuud iyo macallimiin kale oo wehlisa iyo askar iyana ilaalo ah,” ayuu yiri Taliyuhu.
Waxaa kale oo kusii daray “Waxay si bareer ah ciidamadan usoo jiireen kastamkii dhexe, kadibna halkas ciidanku kasoo raaceen, waxaana lagu qabtay magaalada gudaheeda, iyaga oo ku wajahan dhankaas iyo Puntland”.
Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada Federaalka ee la qabtay ay hadda ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, iyadoo la xaqiijinayo xogta iyo ujeeddada ay u galeen gudaha Puntland.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda dhexe oo ku aadan ciidamada lagu qabtay dhanka waqooyi ee Gaalkacyo, halkaas oo muddooyinkan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.
Horay Puntland ayaa ula wareegtay xerooyin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen gudaha maamulkaasi, kadib markii ciidamadeeda ay weerareen saldhigyo ay joogeen ciidamo la sheegay inay dowladdu ka qoratay halkaasi.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamada · puntland · kasoo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada