Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha
Baydhabo, 24 Sebteembar 2026 – Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ku ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha. Kulanka…
Waxa muhiimka ah
- Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha ayaa lagu ansixiyey kulan uu guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
- Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay sharraxaadda wax-ka-beddelka Sharciga Dowladaha Hoose.
- Xaaladda amniga iyo bini'aadantinimo ee Koonfur Galbeed ayaa si qoto dheer looga hadlay.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Baydhabo, 24 Sebteembar 2026 – Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ku ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay arrimo la xiriira horumarinta maamulka, adeegyada bulshada, cadaaladda, amniga iyo xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo ujeeddadiisu tahay in lagu nidaamiyo ujuurrada adeegyada maxkamadaha, isla markaana qayb ka noqdo dadaallada lagu horumarinayo hannaanka cadaaladda iyo adeegyada loo fidiyo bulshada.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay sharraxaadda wax-ka-beddelka Sharciga Dowladaha Hoose oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wax-ka-beddelka ayaa lagu sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta dowlad-daadejinta iyo horumarinta maamulka heer degmo.
Dhinaca kale, Golaha ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga, xaaladaha bini’aadantinimo iyo u-diyaargarowga saameynta la filayo ee El Niño.
Golaha Wasiirrada ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada amniga, lana sameeyo diyaar-garow ku filan oo looga hortagayo saameynta roobabka iyo fatahaadaha, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo gurmadka iyo adeegyada bini’aadantinimo ee bulshada.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, lana dardargeliyo howlaha adeegga bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha la xiriira amniga, dowlad-daadejinta, cadaaladda iyo horumarinta bulshada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · nidaamiyaha · xeer · maxkamadaha