Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo xiray
MUQDISHO, Soomaaliya — Waxaa Muqdisho lagu soo xiray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), kaas oo looga hadlay diyaar-garowga saameynta laga filayo cimilada Super El Niño ee 2026, digniinta hore iyo qaadista tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo khataraha…

Waxa muhiimka ah
- Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga iyo qorshayaasha gurmadka fatahaadaha.
- Ka qeybgalayaasha ayaa adkeeyay baahida loo qabo iskaashi iyo isku-duwid dhow oo dhex marta dowladda federaalka iyo hay’adaha bani’aadannimada.
- Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in loo baahan yahay isku-duubni iyo abaabul ballaaran.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
MUQDISHO, Soomaaliya — Waxaa Muqdisho lagu soo xiray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), kaas oo looga hadlay diyaar-garowga saameynta laga filayo cimilada Super El Niño ee 2026, digniinta hore iyo qaadista tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo khataraha bani’aadannimo.
Shirka waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), mas’uuliyiin ka socday dowlad-goboleedyada, hay’adaha bani’aadannimada, bah-wadaagta caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah.
Intii uu socday shirka, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga iyo qorshayaasha gurmadka fatahaadaha, iyo sidii loo sii abaabuli lahaa taageerada bani’aadannimo. Sidoo kale, waxaa laga hadlay muhiimadda ay leedahay in digniinaha hore iyo xogta ku saabsan khataraha loo gaarsiiyo bulshada nugul, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada fogfog.
Ka qeybgalayaasha ayaa adkeeyay baahida loo qabo iskaashi iyo isku-duwid dhow oo dhex marta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha bani’aadannimada, si tallaabooyin hore loo qaado loona yareeyo saameynta fatahaadaha, barakaca iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo ee ka dhalan kara El Niño.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in loo baahan yahay isku-duubni iyo abaabul ballaaran oo looga hortago khataraha ka dhalan kara El Niño 2026.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo shirka soo xiray, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh diyaar-garowga iyo gurmadka inay si buuxda ula shaqeeyaan SoDMA.
Wasiirka ayaa xusay in SoDMA ay tahay hay’adda qaranka ee u qaabilsan hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha maareynta musiibooyinka, iyadoo loo baahan yahay in dadaallada kala duwan lagu saleeyo qorshe mideysan oo lagu yareynayo saameynta musiibooyinka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shirka · soomaaliya · xiray
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada