Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadal kulul ka jeediyay xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa jeediyay khudbad xooggan oo ku saabsan xil-ka-qaadista Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Dr.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinCabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ku baaqay in la abuuro suuqyo ay ku kobcaan badeecadaha dalka laga soo saaro, isagoo sheegay inay muhiim tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo inay kalsooni ku qabaan, doortaan, isla markaana taageeraan wax-soo-saarka gudaha.
- Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xiritaanka shirka Ilaha Wax-soo-saarka Soomaaliyeed, oo uu soo qabanqaabiyay Magan Forum, kaas oo looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa kheyraadka dalka loogana faa’iideysan lahaa.
- Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu horreyn madasha Magan Forum uga mahadceliyay qabashada shirka, isagoo sheegay inuu ka tarjumayo rajada nololeed ee dib uga soo kabanaysa bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la gaaray xilli ay muhiim tahay in xoogga la saaro horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sidii dalka u gaari lahaa isku-filnaansho dhaqaale.
- Wuxuu tilmaamay in horumarka laga sameeyay amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo nidaamka dowladeed uu rajo weyn u abuuray shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in wax-soo-saarka dhabta ah ee dhaqaalaha dalka uu yahay mid ay si toos ah uga qeyb qaataan muwaadiniinta iyo shirkadaha maxalliga ah, faa’iidadiisuna dib ugu laabato bulshada.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hagaajiyo amniga?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa dhaleeceeyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Dr. Baashe, isagoo sheegay in qofkii xilka laga qaaday ee yiri dowladda waqtigeedii waa dhammaaday uu la mid yahay Ax
- Guddoomiyaha ayaa adkeeyay in horumarinta wax-soo-saarka dalka ay ku xiran tahay helitaanka amni sugan, isagoo sheegay inay muhiim tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta, si loo helo jawi ku habboon maalgashiga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
- Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku baaqay in la abuuro suuqyo ay ku kobcaan badeecadaha dalka laga soo saaro, isagoo sheegay inay muhiim tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo inay kalsooni ku qabaan, doortaan, isla markaana taage
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hadal kulul ka jeediyay Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamadda Sare, Dr. Baashe, isagoo hadalkiisa ku xusay in qofkii xilka laga qaaday ee yiri dowladda waqtigeedii waa dhammaaday uu la mid yahay Axmed Diiriye, isla markaana aan la dhageysan doonin.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xiritaanka shirka Ilaha Wax-soo-saarka Soomaaliyeed, oo uu soo qabanqaabiyay Magan Forum, kaas oo looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa kheyraadka dalka loogana faa’iideysan lahaa.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu horreyn madasha Magan Forum uga mahadceliyay qabashada shirka, isagoo sheegay inuu ka tarjumayo rajada nololeed ee dib uga soo kabanaysa bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la gaaray xilli ay muhiim tahay in xoogga la saaro horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sidii dalka u gaari lahaa isku-filnaansho dhaqaale.
Wuxuu tilmaamay in horumarka laga sameeyay amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo nidaamka dowladeed uu rajo weyn u abuuray shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in wax-soo-saarka dhabta ah ee dhaqaalaha dalka uu yahay mid ay si toos ah uga qeyb qaataan muwaadiniinta iyo shirkadaha maxalliga ah, faa’iidadiisuna dib ugu laabato bulshada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in laf-dhabarta wax-soo-saarka dalka ay yihiin tacbashada beeraha, kalluumeysiga, farsamada gacanta, warshadaha, dhaqashada xoolaha iyo macdan-qodista. Dhanka kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarinta wax-soo-saarka dalka ay ku xiran tahay helitaanka amni sugan, isagoo sheegay inay muhiim tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta, si loo helo jawi ku habboon maalgashiga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay baahida loo qabo in la kobciyo aqoonta iyo xirfadaha la xiriira beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, farsamada gacanta, warshadaha iyo macdan-qodista. Arrintaas ayuu sheegay inay u baahan tahay horumarinta waxbarashada iyo tacliinta takhasusiga ah, si wax looga beddelo nolosha dadka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka tooska ah. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay u baahan tahay dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda dalka, nidaamka maaliyadeed iyo kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ugu horreeyaan dekedaha, garoomada diyaaradaha, waddooyinka iyo helitaanka tamar jaban oo ku filan baahida dalka. Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay u baahan tahay diblomaasiyad hufan oo door ka qaadata soo jiidashada maalgashiga ay dowladdu dooneyso.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ku baaqay in la abuuro suuqyo ay ku kobcaan badeecadaha dalka laga soo saaro, isagoo sheegay inay muhiim tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo inay kalsooni ku qabaan, doortaan, isla markaana taageeraan wax-soo-saarka gudaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Soomaaliya oo leh kheyraad dabiici ah oo kala duwan ay haddana si weyn ugu tiirsan tahay badeecadaha dibadda laga keeno, kuwaas oo uu sheegay inay qaarkood bulshada u keeni karaan dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.
Wuxuu ka digay in nolosha dadka Soomaaliyeed ay si weyn ugu tiirsan tahay badeecadaha ka soo dega dekedaha dalka, taasoo Soomaaliya u nugleyn karta xaaladaha qalalaasaha amni ee ka dhaca dunida ama gobolka, gaar ahaan haddii ay saameeyaan marinnada badda iyo ganacsiga caalamiga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si gaar ah ula shaqeyn doono Xukuumadda Federaalka, wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso, si loo daraaseeyo khatarahaas loona diyaariyo tallaabooyin looga hortagi karo saameyntooda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa jeediyay khudbad xooggan oo ku saabsan xil-ka-qaadista Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Dr. Baashe, isagoo adkeeyay muhiimadda amniga iyo wax-soo-saarka gudaha.
Qodobada muhiimka ah
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa dhaleeceeyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Dr. Baashe, isagoo sheegay in qofkii xilka laga qaaday ee yiri dowladda waqtigeedii waa dhammaaday uu la mid yahay Ax
- Guddoomiyaha ayaa adkeeyay in horumarinta wax-soo-saarka dalka ay ku xiran tahay helitaanka amni sugan, isagoo sheegay inay muhiim tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta, si loo helo jawi ku habboon maalgashiga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
- Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku baaqay in la abuuro suuqyo ay ku kobcaan badeecadaha dalka laga soo saaro, isagoo sheegay inay muhiim tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo inay kalsooni ku qabaan, doortaan, isla markaana taage
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Dr. Baashe ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
- Eedeymaha uu soo jeediyay Guddoomiyaha ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin gaar ah oo ku saabsan macnaha xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Guddoomiyaha ayaa muujinaya walaacyada socda ee ku saabsan maamulka iyo isku-filnaanshaha dhaqaale ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hagaajiyo amniga?
- Maxay yihiin saameynta hadallada Guddoomiyaha ee ku saabsan xaaladda siyaasadeed?
- Sidee ayey dowladda uga jawaabi doontaa walaacyada la xiriira ku tiirsanaanta badeecadaha shisheeye?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guddoomiyihii · hadal · sare