Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka. Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ko
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.
Maxaa la shaaciyey
- Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), ayaa warbixin kooban ka siiyey howlaha guddiga.
- Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga shaqada ay u hayaan Qaranka.
- Guddoomiyaha wuxuu dardaarmay in Guddiga ay sii xoojiyaan la-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Guddiga ku bogaadiyey shaqada ay u hayaan Qaranka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Kulankan ayaa muhiim u ah hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadda guud ee dalka.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyey howlaha guddiga, qaab-dhismeedkiisa iyo habka uu u shaqeeyo, shuruucda uu gacanta ku hayo, iyo sidoo kale marxaladaha kala duwan ee ay marayaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Guddiga ku bogaadiyey shaqada ay u hayaan Qaranka, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee ay kormeerka ku leeyihiin, iyo ilaalinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadda guud ee dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.