Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim.
Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha iyo waajibaadka Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bogaadiyey dadaallada guddigu ugu jiro ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha qaranka, gaar ahaan iskaashiga u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddiga ku boorriyey in howlaha iyo waxqabadka uu qabto si joogto ah loola wadaago Golaha Shacabka, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · kulan · qaatay · insaanka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sannad-guurada Aasaaska Shiinaha
Shabelle Media
- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland oo Qaabilay Wafdi ka Socday Sweden iyo UNICEF
Shabelle Media
- Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sannad-guurada Aasaaska Shiinaha
Shabelle Media