Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland oo Qaabilay Wafdi ka Socday Sweden iyo UNICEF
kismaayo – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jubaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa xarunta Madaxtooyada Jubaland ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Sweden iyo Hay’adda UNICEF.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
kismaayo – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jubaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa xarunta Madaxtooyada Jubaland ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Sweden iyo Hay’adda UNICEF.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka mid ahaa madax sare oo ka tirsan Hay’adda UNICEF, oo ay hoggaaminaysay Madaxa UNICEF ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Caafimaadka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Haweenka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka.
Dhinacyada ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimaha mudnaanta u leh bulshada Jubaland, gaar ahaan xoojinta iyo horumarinta mashaariicda la xiriira gargaarka bani’aadantinimo, caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo taageerada bulshada nugul.
Sidoo kale, waxaa la isla eegay sidii loo dardargelin lahaa adeegyada muhiimka ah ee bulshada, iyadoo dhinacyadu ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan baahiyaha bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha Jubaland iyo bah-wadaagta caalamiga ah.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyo wax-ku-ool ah oo waara, gaar ahaan dadka nugul iyo kuwa ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo iyo isbeddelka cimilada. Jubaland ayaa muhiimad gaar ah siisa iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wafdi · golaha · qaabilay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada