Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada
MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyay kulankii toddobaad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyay kulankii toddobaad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga ku bogaadiyay dadaallada ay ku bixinayaan gudashada waajibaadkooda iyo dardargelinta howlaha sharci-dejinta ee Golaha Shacabka.
Intii uu kulanku socday, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), ayaa guddiga ka hor jeediyay warbixin ku saabsan hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada Golaha.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay marxaladaha kala duwan ee ay marayaan hindise-sharciyeedyadaasi, waqtiga loo qorsheeyay in lagu horgeeyo fadhiyada guud ee Golaha Shacabka iyo caqabadaha hortaagan dhammeystirkooda.
Xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa sidoo kale ka arrinsaday ajendaha iyo jadwalka fadhiyada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, iyagoo dejiyay qorshayaal lagu dardargelinayo howlaha horyaalla Golaha.
Guddigu wuxuu sidoo kale ansixiyay qoraalka rasmiga ah ee kulankii lixaad ee Guddiga Joogtada ah.
Gebagebadii, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga ku booriyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu gudanayo waajibaadkooda dastuuriga ah, dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo xaqiijinta in shaqada Golaha ay u socoto si hufan oo waafaqsan qorshayaasha loo dejiyay.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa howlaha joogtada ah ee Golaha Shacabka, gaar ahaan isku dubbaridka shaqada guddiyada iyo diyaarinta ajendayaasha fadhiyada baarlamaanka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guddoomiyay · joogtada · kulanka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada