Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir-guddoomiyey kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada
Muqdisho, 17 Sebtembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, 17 Sebtembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo lagu qabtay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha ayaa kulanka furitaankiisa ku bogaadiyey xubnaha Guddiga Joogtada ah dadaallada ay ku bixinayaan gudashada waajibaadkooda iyo dardargelinta howlaha sharci-dejinta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixin uu soo jeediyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), taas oo ku saabsanayd Hindise Sharciyeedyada horyaalla guddiyada Golaha, marxaladaha ay marayaan, waqtiga la qorsheeyey in loo gudbiyo fadhiyada guud iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto.
Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa intii uu kulanku socday dejiyey ajandaha iyo jadwalka kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, iyagoo sidoo kale ansixiyey hadal-qoraalkii kulankii 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka soo xiray, isagoo xubnaha guddiga ku adkeeyey inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo in shaqada Golaha Shacabka loo fuliyo si hufan oo waafaqsan qorshayaasha shaqo.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · golaha · shacabka · guddoomiyaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada