Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Isbaheysi dhex mara kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo Burcad badeedda oo laga digay

Sanca (Caasimada Online) – Sida ku cad digniin 12-kii May ka soo baxday Hay’adda Ammaanka Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO), burcad-badeedda Soomaalida ayaa kordhiyay afduubka iyo qalqalgelinta maraakiibta, iyadoo ilaa hadda gacanta ku haysa ugu yaraan saddex markab, oo labo ka mid ah ay shidaal xambaarsan yihiin, halka mid kalena uu sido xamuul shamiinto ah. […] The post Isbah

SO
Sawir war oo la xiriira Isbaheysi dhex mara kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo Burcad badeedda oo laga digay
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa kordhiyay afduubka maraakiibta, iyadoo gacanta ku haysa ugu yaraan saddex markab, labo ka mid ahna ay shidaal xambaarsan yihiin.

Maxaa la shaaciyey

  1. Hay’adda Ammaanka Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa digniin ka soo saartay burcad-badeedda oo kordhiyay afduubka maraakiibta.
  2. Xildhibaan Maxamed Diini ayaa sheegay in burcad-badeednimada ay ka dhalatay isbeddellada colaadaha dibadda iyo fursad-raadis.
  3. Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in saddex kooxood oo burcad-badeed ah ay ka hawlgalaan waqooyiga Soomaaliya.

Macnaha guud

Burcad-badeednimada ayaa soo noqotay iyadoo ay jiraan isbeddello colaadeed oo ka jira gobolka, taas oo khatar ku ah amniga maraakiibta.

Xildhibaan Diini wuxuu carrabka ku adkeeyay in xasillooni-darrada muddada dheer ka jirta gudaha Soomaaliya ay xeebaha dalka ka dhigtay kuwo u nugul khataro amni.

Xildhibaan Maxamed Diini
Soomaaliya
2026-05-19

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waa inay ka warqabaan khataraha amni ee ka jira xeebaha Soomaaliya iyo xiriirka burcad-badeedda iyo kooxaha Xuutiyiinta Yemen.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Sanca (Caasimada Online) – Sida ku cad digniin 12-kii May ka soo baxday Hay’adda Ammaanka Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO), burcad-badeedda Soomaalida ayaa kordhiyay afduubka iyo qalqalgelinta maraakiibta, iyadoo ilaa hadda gacanta ku haysa ugu yaraan saddex markab, oo labo ka mid ah ay shidaal xambaarsan yihiin, halka mid kalena uu sido xamuul shamiinto ah.

Maraakiibtan, oo la qafaashay intii u dhaxeysay 21-kii Abriil iyo 2-dii May, waxaa ku jira markab laga afduubtay xeebaha Yemen, kadibna loo wareejiyay dhanka Soomaaliya. Arrintan ayaa dhalisay cabsi xooggan oo ku saabsan suuragalnimada in isbaheysi dhex maro kooxaha burcad-badeedda Soomaalida iyo Xuutiyiinta Yemen ee xiriirka la leh Iiraan.

Xildhibaan Maxamed Diini, oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dib-u-soo-noqoshada burcad-badeednimada ku sifeeyay mid ka dhalatay isbeddellada colaadaha dibadda, u nuglaanshaha gudaha iyo fursad-raadis. Wuxuu sheegay in isbeddelka ku yimid marinnada maraakiibta caalamiga ah ay sababeen xiisadaha juqraafiyeed, sida uu u sheegay telefishinka CNN.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladda hadda ka jirta Bariga Dhexe ay burcad-badeedda siinayso cudurdaar ay dib isugu abaabulaan. Wuxuu sidoo kale ka digay in shabakadaha burcad-badeeddu ay isbaheysi la samaysan karaan ciidamada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo beegsaday maraakiibta Badda Cas si ay u taageeraan dagaalka Xamaas ay kula jirto Israa’iil.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralburcadbadeeddaxuutiyiinta
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.