Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

UNHCR iyo Dowladda Soomaaliya oo Adkeynaya Taageerada Barakacayaasha iyo Qaxootiga

MUQDISHO – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, si loo caawiyo bulshada soo barakacay, inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira hoos u dhaca maalgelinta caalamiga ah. Kulan dhowaan ka dhacay Muqdisho, Wakiilka Ku-meel-g

SO
UNHCR iyo Dowladda Soomaaliya oo Adkeynaya Taageerada Barakacayaasha iyo Qaxootiga
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

UNHCR iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in ay sii wadaan taageerada barakacayaasha iyo qaxootiga inkastoo ay jiraan caqabado maalgelin.

Maxaa la shaaciyey

  1. UNHCR ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonto taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.
  2. Kulan ka dhacay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay xaaladda barakacayaasha iyo xalalka waara.
  3. Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhow ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah.

UNHCR ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in ballanqaadyada la sameeyo loo beddelo waxqabad muuqda.

Jing Song, Wakiilka Ku-meel-gaarka ah ee UNHCR Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya
Muqdisho
2026-06-15

Sababta ay muhiim u tahay: Taageerada UNHCR iyo Dowladda Soomaaliya waxay muhiim u tahay dadka barakacay iyo qaxootiga, taasoo saameyn ku yeelan karta noloshooda.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

MUQDISHO – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, si loo caawiyo bulshada soo barakacay, inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira hoos u dhaca maalgelinta caalamiga ah.

Kulan dhowaan ka dhacay Muqdisho, Wakiilka Ku-meel-gaarka ah ee UNHCR Soomaaliya, Jing Song, ayaa la kulantay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), si ay uga wada hadlaan xaaladda barakacayaasha iyo dadaallada lagu horumarinayo xalal waara oo loogu talagalay dadka lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga dhow ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo xoojiyo taageerada loo fidinayo dadka barakacay iyo qaxootiga, loona abuuro fursado dib-u-dejin, nolol-maalmeed iyo adeegyo aasaasi ah.

UNHCR ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in ballanqaadyada la sameeyo loo beddelo waxqabad muuqda oo saameyn togan ku yeesha nolosha dadka nugul, iyadoo mudnaanta la siinayo xalal waara oo kor u qaada adkeysiga iyo horumarka bulshooyinka ay saameeyeen colaadaha iyo masiibooyinka.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldowladdasoomaaliyataageerada
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.