Itoobiya oo jawaab ka bixisay bayaankii isbahaysiga Masar, Eritrea, Sudan iyo Somalia
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay bayaankii kasoo bxay shir-madaxeedka madaxda waddamada Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo isticmaalka biyaha webiga Niil.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Madaxda afarta dal ayaa si weyn u adkeeyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee nidaamiya webiyada xuduudaha ka gudba, oo uu ku jiro webiga Niil, gaar ahaan mabda’a ah inaan waxyeello la geysan, iyo waajibka iskaashiga ee loo marayo wargelin horudhac ah, wadatashi iyo isku-raac.
- Sidoo kale Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa usoo jeediyay xukuumadda Addis Ababa in aanay keli ku noqon ka faa’iidaysiga biyaha Nile, oo ay horay uga dhistay biyo xireen si ay koronto uga dhaliso.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa intaas kadib soo saartay qoraal ay ku shaacisay in ay ku socoto danaha ay ka leedahay isticmaalka biyaha webiga Nile, iyadoo sidoo kale sheegtay inay jirto dan ku riixaysa raadinta marin ay u marto Badda Cas, sida ay hadalka u dhigtay.
- Itoobiya ayaa ku ddooday in juqraafi ahaan iyo taariikh ahaan xiriir dhow la leedahay Badda Cas, waxayna xustay in xadka Itoobiya uu qiyaastii 30 mayl u jiro xeebta Badda Cas.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin qodobbada gaarka ah ee lagu sheegay bayaanka shir-madaxeedka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay bayaankii kasoo bxay shir-madaxeedka wadatashiga madaxda waddamada Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya.
- Itoobiya ayaa ku ddooday in juqraafi ahaan iyo taariikh ahaan xiriir dhow la leedahay Badda Cas, waxayna xustay in xadka Itoobiya uu qiyaastii 30 mayl u jiro xeebta Badda Cas.
- Wasaaraddu ayaa sidoo kale ku baaqday in arrimaha biyaha iyo Badda Cas lagu saleeyo xaqiiqooyinka juqraafiyeed iyo taariikheed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay bayaankii kasoo bxay shir-madaxeedka wadatashiga afar geesoodka ah ee madaxda waddamada Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya ee ka dhacay magaalada El Alamein, kaas oo laga soo saaray qodobo la xiriira arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka.
Madaxda afarta dal ayaa si weyn u adkeeyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee nidaamiya webiyada xuduudaha ka gudba, oo uu ku jiro webiga Niil, gaar ahaan mabda’a ah inaan waxyeello la geysan, iyo waajibka iskaashiga ee loo marayo wargelin horudhac ah, wadatashi iyo isku-raac.
Sidoo kale Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa usoo jeediyay xukuumadda Addis Ababa in aanay keli ku noqon ka faa’iidaysiga biyaha Nile, oo ay horay uga dhistay biyo xireen si ay koronto uga dhaliso.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa intaas kadib soo saartay qoraal ay ku shaacisay in ay ku socoto danaha ay ka leedahay isticmaalka biyaha webiga Nile, iyadoo sidoo kale sheegtay inay jirto dan ku riixaysa raadinta marin ay u marto Badda Cas, sida ay hadalka u dhigtay.
Itoobiya ayaa ku ddooday in juqraafi ahaan iyo taariikh ahaan xiriir dhow la leedahay Badda Cas, waxayna xustay in xadka Itoobiya uu qiyaastii 30 mayl u jiro xeebta Badda Cas.
Waxaa kale oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya intaas ku sii dartay in aanay ka gorgortami doonnin ilaalinta madax bannaanideeda iyo dhulkeeda, ayna diyaar u tahay is difaacis ay ku samayso arrimaheeda gudaha iyo danaheeda gaarka ah.
Wasaaraddu ayaa sidoo kale ku baaqday in arrimaha biyaha iyo Badda Cas lagu saleeyo xaqiiqooyinka juqraafiyeed iyo taariikheed, iyadoo tilmaamtay inay doorbidayso wada-hadal, iskaashi iyo is-ixtiraam, balse ay difaacayso madaxbannaanideeda iyo danaha qarankeeda.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dalalka Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya ay si buuxda u diideen tallaabo kasta oo uu qaado hal dhinac, taas oo si taban u saamaynaysa isticmaalka biyaha ee hadda ka jira labada dal ee ku yaalla qaybta hoose ee webiga Nile.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay bayaankii kasoo bxay shir-madaxeedka madaxda waddamada Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo isticmaalka biyaha webiga Niil.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay bayaankii kasoo bxay shir-madaxeedka wadatashiga madaxda waddamada Masar, Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya.
- Itoobiya ayaa ku ddooday in juqraafi ahaan iyo taariikh ahaan xiriir dhow la leedahay Badda Cas, waxayna xustay in xadka Itoobiya uu qiyaastii 30 mayl u jiro xeebta Badda Cas.
- Wasaaraddu ayaa sidoo kale ku baaqday in arrimaha biyaha iyo Badda Cas lagu saleeyo xaqiiqooyinka juqraafiyeed iyo taariikheed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha madaxda Masar, Suudaan, Eritrea, ama Soomaaliya.
- Eedeymaha ay soo jeedisay dowladda Itoobiya ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan waxa ku qoran bayaanka shir-madaxeedka.
Gunaanadka akhristaha
Jawaabta Itoobiya waxay muujineysaa mowqifkeeda ku aaddan arrimaha biyaha gobolka iyo go'aankeeda ku aaddan madax-bannaanideeda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin qodobbada gaarka ah ee lagu sheegay bayaanka shir-madaxeedka?
- Sidee bay jawaabta Itoobiya u saameyn doontaa xiriirka ay la leedahay dalalka kale?
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka Itoobiya ay qaadi doonto ee ku saabsan biyaha Niil?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · bayaankii · itoobiya · masar