Kadib go’aankii guddiga doorashada heer federaal, DF oo shaacisay in…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiXukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in xukuumaddu jadwalkan u aragto tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.
- Xukuumaddu waxay xusuusisay shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha kale in 18-kii bilood ee lasoo dhaafay ay waday dadaallo wadatashi iyo wada-xaajood, si dhinacyada siyaasadeed ay isula meel dhigaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka.
- Waxay caddeysay in wadatashiyada iyo wada-xaajoodyadu ay sii socon doonaan, iyadoo muujisay sida ay uga go’an tahay in dadaalladaasi miro-dhal noqdaan, isla markaana ay horseedaan is-afgarad ballaaran oo dhex mara dhinacyada Soomaaliyeed.
- Dhanka kale, xukuumaddu waxay sheegtay in soo dhoweynta jadwalka doorashooyinka iyo sii wadidda wada-xaajoodyadu ay yihiin laba dadaal oo is-dhammeystiraya, kuwaas oo ka tarjumaya mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xasilloonida dalka iyo xoojinta midnimada qaranka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hubiyo in doorashooyinka ay nabad yihiin?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha
- Xukuumaddu waxay sheegtay in jadwalkan u aragto tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.
- Xukuumaddu waxay xusuusisay shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha kale in 18-kii bilood ee lasoo dhaafay ay waday dadaallo wadatashi iyo wada-xaajood, si dhinacyada siyaasadeed ay isula meel dhigaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha dalka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in xukuumaddu jadwalkan u aragto tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.
Xukuumaddu waxay xusuusisay shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha kale in 18-kii bilood ee lasoo dhaafay ay waday dadaallo wadatashi iyo wada-xaajood, si dhinacyada siyaasadeed ay isula meel dhigaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka.
Waxay caddeysay in wadatashiyada iyo wada-xaajoodyadu ay sii socon doonaan, iyadoo muujisay sida ay uga go’an tahay in dadaalladaasi miro-dhal noqdaan, isla markaana ay horseedaan is-afgarad ballaaran oo dhex mara dhinacyada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, xukuumaddu waxay sheegtay in soo dhoweynta jadwalka doorashooyinka iyo sii wadidda wada-xaajoodyadu ay yihiin laba dadaal oo is-dhammeystiraya, kuwaas oo ka tarjumaya mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xasilloonida dalka iyo xoojinta midnimada qaranka.
Waxay sidoo kale tilmaantay in dadaalladani ay qayb ka yihiin xaqiijinta xaqa dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo muujisay muhiimadda ay leedahay in la sii wado geeddi-socodka doorashooyinka iyo wada-hadallada siyaasadeed.
Ugu dambeyn, xukuumadda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran leh uga qayb qaataan wadatashiyada, ayna ka wada shaqeeyaan qabashada doorashooyin nabdoon oo xoojiya kalsoonida shacabka iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha.
Qodobada muhiimka ah
- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha
- Xukuumaddu waxay sheegtay in jadwalkan u aragto tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.
- Xukuumaddu waxay xusuusisay shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha kale in 18-kii bilood ee lasoo dhaafay ay waday dadaallo wadatashi iyo wada-xaajood, si dhinacyada siyaasadeed ay isula meel dhigaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.
- Ugu dambeyn, xukuumadda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran leh uga qayb qaataan wadatashiyada, ayna ka wada shaqeeyaan qabashada doorashooyin nabdoon oo xoojiya kalsoonida shacabka iyo
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada siyaasadda ee ku saabsan bayaannada xukuumadda.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda geeddi-socodka doorashooyinka waxay ku saleysan yihiin bayaanno xukuumadeed oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah laguma bixin waqtiga ama habka doorashooyinka.
Gunaanadka akhristaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si firfircoon u dhiirrigelinaysaa geeddi-socodka doorashooyinka iyo ka qaybgalka siyaasadeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hubiyo in doorashooyinka ay nabad yihiin?
- Sidee xukuumaddu u maareyn doontaa suurtagalnimada mucaaradnimo ka dhan ah geeddi-socodka doorashada?
- Maxay yihiin talaabooyinka xiga ka dib markii la shaaciyo jadwalka doorashooyinka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · doorashada · guddiga · heer
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada