Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola oo laga helay KENYA
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiKiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ayaa lagu xaqiijiyay Kenya, iyadoo qofka cudurka qabay uu ugu dambeyn u geeriyooday.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayBukaanka ayaa Congo uga soo gudbay dhinaca Uganda, kadibna diyaarad uga soo duulay Kampala, kuna soo gaaray magaala Nairobi oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.
- Wasiirka Caafimaadka Kenya Aden Barre Ducaale ayaa sheegay in qofka laga helay cudurka uu ahaa muwaadin Kenyaan ah oo muddo ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo uu hadda ka jiro faafitaan weyn oo Ebola ah.
- Kiiskan cusub ee laga helay Kenya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo faafitaanka Ebola ee Bariga Afrika, maadaama cudurka laga soo sheegay dalal dhowr ah oo gobolka ah.
- Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa kamid ah dalalka uu cudurka Ebola si weyn uga soo noqnoqday, iyadoo sidoo kale kiisaska cudurka laga diiwaangeliyay dalalka deriska la ah Congo, oo ay kamid yihiin Uganda iyo Rwanda.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa khatarta suurtagalka ah ee Ebola ku faafi karto Bariga Afrika, taasoo keentay in hay'adaha caafimaadka ay xoojiyaan tallaabooyinka ka hortagga.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda Kenya ay qaadi doonto si ay uga jawaabto kiiskan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Qofka laga helay cudurka uu ahaa muwaadin Kenyaan ah oo muddo ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
- Bukaanka ayaa Congo uga soo gudbay dhinaca Uganda, kadibna diyaarad uga soo duulay Kampala, kuna soo gaaray magaala Nairobi oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.
- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda cudurka Ebola, iyadoo xustay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta xaqiijisay in dalkaasi laga helay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Kenya ay sheegtay in qofkii uu cudurka ku dhacay uu markii dambe u geeriyooday.
Wasiirka Caafimaadka Kenya Aden Barre Ducaale ayaa sheegay in qofka laga helay cudurka uu ahaa muwaadin Kenyaan ah oo muddo ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo uu hadda ka jiro faafitaan weyn oo Ebola ah. Bukaanka ayaa Congo uga soo gudbay dhinaca Uganda, kadibna diyaarad uga soo duulay Kampala, kuna soo gaaray magaala Nairobi oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.
Kiiskan cusub ee laga helay Kenya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo faafitaanka Ebola ee Bariga Afrika, maadaama cudurka laga soo sheegay dalal dhowr ah oo gobolka ah.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa kamid ah dalalka uu cudurka Ebola si weyn uga soo noqnoqday, iyadoo sidoo kale kiisaska cudurka laga diiwaangeliyay dalalka deriska la ah Congo, oo ay kamid yihiin Uganda iyo Rwanda.
Xaaladdan ayaa keentay in dalalka gobolka ay xoojiyaan tallaabooyinka caafimaad iyo kuwa looga hortagayo in cudurka uu si dheeraad ah ugu faafo bulshada.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda cudurka Ebola, iyadoo xustay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo looga hortagayo khatarta uu cudurkani ku keeni karo dalka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah siisay feejignaanta iyo diyaar-garowga hay’adaha caafimaadka, si looga hortago in cudurka uu gudaha Soomaaliya kusoo gaaro ama ku faafo haddii kiis laga helo.
Ebola waxaa sababa fayruska loo yaqaan Ebolavirus, waxaana qof ilaa qof loogu gudbin karaa taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka qof qaba cudurka, gaar ahaan marka qofka uu leeyahay calaamadaha cudurka.
Calaamadaha Ebola ayaa qofka kasoo muuqan kara muddo u dhexeysa 2 ilaa 21 maalmood kadib marka uu fayrasku ku dhaco. Calaamadaha ugu waaweyn waxaa kamid ah qandho daran, murqo-xanuun, daal xad-dhaaf ah, lalabbo, shuban, calool-xanuun iyo cunaha oo xanuuna. Waxaa sidoo kale qofka lagu arki karaa indhaha oo casaada, finan maqaarka kasoo baxa iyo xaalado daran oo keeni kara dhiig-bax gudaha ah iyo in xubnaha muhiimka ah ee jirku ay shaqadooda gabaan.
Khubarrada caafimaadka ayaa xusaya in qofka qaba Ebola uu u baahan yahay in si degdeg ah loo ogaado loona geeyo xarun caafimaad, si loo yareeyo halista dhimashada iyo faafitaanka cudurka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ayaa lagu xaqiijiyay Kenya, iyadoo qofka cudurka qabay uu ugu dambeyn u geeriyooday.
Qodobada muhiimka ah
- Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ayaa lagu xaqiijiyay Kenya.
- Qofka laga helay cudurka uu ahaa muwaadin Kenyaan ah oo muddo ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
- Bukaanka ayaa Congo uga soo gudbay dhinaca Uganda, kadibna diyaarad uga soo duulay Kampala, kuna soo gaaray magaala Nairobi oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.
- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda cudurka Ebola, iyadoo xustay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Wasaaradda Caafimaadka Kenya.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada la xiriirta kiiskii Ebola.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha hay'adaha caafimaadka kale ama khubarada.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaasha waa in ay ka warqabaan kiiskii Ebola ee lagu xaqiijiyay Kenya iyo khataraha caafimaad ee la xiriira.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda Kenya ay qaadi doonto si ay uga jawaabto kiiskan?
- Sidee loo kormeeri doonaa xaaladda todobaadyada soo socda?
- Maxay yihiin saamaynta ay ku yeelan karto dalalka deriska ah ee ku saabsan ka hortagga Ebola?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa khatarta suurtagalka ah ee Ebola ku faafi karto Bariga Afrika, taasoo keentay in hay'adaha caafimaadka ay xoojiyaan tallaabooyinka ka hortagga.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · kiiskii · kenya · cudurka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Kenya oo xaqiijisay Kiiskii ugu Horreeyay ee Ebola iyo 28 Qof oo lala xiriirinayo Cudurkaas oo la raadinayo
Goobjoog Somali
- Ebola: Taariikhda Cudurka, Dalalkii uu Gaaray iyo Tirada Dhimashada
Goobjoog Somali
- Wararkii ugu Dambeeyay ee Dagaalka Yemen iyo Dowladda oo sheegtay inay dib ula wareegtay dhul muhiim ah
Goobjoog Somali