Lafta-gareen oo diiday inuu joojiyo dagaalka Baydhaba
Baydhaba (Caasimada Online) – Bayaan kooban oo ay soo saareen kooxda madaxweynihii hore ee Koonfur Galbed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda weli ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan bannaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Bayaan kooban oo ay soo saareen kooxda madaxweynihii hore ee Koonfur Galbed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda weli ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan bannaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Afhayeenka kooxda Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa beeniyay wararka sheegaya in Lafta-gareen uu aqbalay xabad-joojin laga sameeyo Koonfur Galbeed, wuxuuna meesha ka saaray in heshiis uu la gaaray shaqsiyaad ku howlan xalinta xiisadda taagan.
“Ma jiraan wadahadal go’aan looga gaaray xabad joojin oo shaqsiyaad iyo Madaxweynaha DKGS Mudane Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen,” ayuu yiri afhayeenku.
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalka, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay xoreeyaan Koonfur Galbeed, sidoo kalena ay gacantooda kusoo celiyaan, sida uu hadalka u dhigay.
“Halganka iyo dib u xoreynta deegaanada KGS wuu sii socon doonaan ilaa laga xoreeyo dakeenuna gobonimadooda iyo sharfkoodu gacantooda kusoo laabto insha allah,” ayuu sii raaciyey Ugaas Xasan.
Hadakan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay dagan tahay xaalada Koofur Galbeed, inkastoo weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Baydhaba oo ay horay uga dhaceen dagaallo kala duwan.
Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa hadda abaabul ka wada Baydhaba oo ciidamo badan la geeyay, halka ciidanka daacadda u ah Lafta-gareen ay joogaan xeryahooda, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq culus.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · baydhaba · lafta · gareen
Sii akhri
- WAR DEG DEG AH: Ciidanka Xooga Dalka oo Gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Kooxda AS
Hiiraanweyn
- ONLF Oo Xaqiijisay Ku Biirista Isbahaysiga Itoobiya, Diiddayna Bayaan Ka Soo Horjeeday
Goobjoog Somali
- “Lama qaybin karo dalka Soomaaliya iyo dadkiisa” Wasiirka Howlaha-guud Soomaaliya Ayuub Ismaaciil:
Hiiraanweyn