Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay safiirka Ingiriiska
Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Amb.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Kulanka waxaa looga hadlay sii wadista taageerada Dowladda Ingiriiska iyo fulinta mashaariicda horumarineed.
- Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay mashaariicda ay Ingiriisku ka fulisay Hirshabeelle, sida dhismaha Madaxtooyadda iyo Xarunta Baarlamaanka.
- Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha ugu waaweyn ee taageera Soomaaliya.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Amb. Charles King, Madaxa Horumarinta Chris Pycroft iyo Madaxa Xiriirka Siyaasadda Chris Barker.
Kulanka ayaa looga wada hadlay sii wadista taageerada Dowladda Ingiriiska iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee deegaanada Hirshabeelle, iyo sidoo kale hirgelinta mashruuca weyn ee biyo-xireenka Sabbuun (JOSP).
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay mashaariicda wax-ku-oolka ah ee ay ka fulisay deegaanada Hirshabeelle, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Madaxtooyadda iyo Xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle oo soo gaartay heer gabagabo ah.
“Waxaa naga go’an in aan waddo kasta u marno hirgelinta mashruuc walba oo waxtar u leh bulshadeenna. Dowladda Ingiriiskana waan uga mahadcelinayaa taageerada ay la garab taagan tahay Hirshabeelle,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyadoo taageero ka geysata mashaariicda horumarineed iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada bulshada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hirshabeelle · ingiriiska · kula
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada