Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Doha kula kulmay dhiggiisa Qatar
Doha, Qatar – Sebteembar 21, 2026: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Doha kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Cadaaladda ahna Wasiiru-dowlaha…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Doha, Qatar – Sebteembar 21, 2026: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Doha kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Cadaaladda ahna Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Ibraahim bin Cali Al-Muhannadi.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sharciga iyo cadaaladda, horumarinta hay’adaha cadaaladda, tayeynta shaqaalaha, casriyeynta adeegyada garsoorka iyo is-dhaafsiga khibradaha labada dal.
Wasiir Xasan Macallin ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xilli gobolka ay ka jiraan xaalado xasaasi ah.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii ambaqaado kulamada wadatashiga farsamo, si loo hirgeliyo barnaamijyo iskaashi oo wax ku ool ah, loona horumariyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qatar · kula · wasiirka
Sii akhri
- Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah
Hiiraanweyn
- {DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan
Hiiraanweyn
- Madaxweyne Sisi oo madaxa hay’adda CIA-da u gudbiyey farriin la xiriirta Soomaaliya
Caasimada Online