Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Horseed Mediageneral

Madaxweynaha Puntland oo weeraray Madaxda Dowladda Somalia.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna…

SO
Madaxweynaha Puntland oo weeraray Madaxda Dowladda Somalia.
Sawir / xog muuqaal ah · Horseed Media

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa eedaymo culus u jeediyey Madaxda Dowladda Federalka ah ee Somalia.

Maxaa la shaaciyey

  1. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in sharci ahaanshihii Hay’adaha dowladda federalka ah uu dhammaaday 15 May.
  2. Deni wuxuu ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu afduubay hay’adihii federalka.
  3. Puntland waxay xaq u leedahay inay gasho heshiisyo caalami ah si ay u horumariso deegaankeeda.

Macnaha guud

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo carqaladeynta ay Madaxda Dowladda Federalka ku hayaan Puntland.

“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo sharci oo uu Madaxweynihii hore ee dalka ku sameeyey hanaankii heshiiska lagu ahaa.”

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni
Puntland
2026-06-15

Sababta ay muhiim u tahay: Qoraalkan wuxuu muujinayaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federalka, taasoo saameyn ku yeelan karta amniga iyo siyaasadda dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Horseed Media

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna eedaymo culus u jeediyey Madaxda Dowladda Federalka ah ee Somalia.

“Waxaa dhammaaday sharci ahaanshihii Hay’adaha dowladda federalka ah oo ku ekaa 15 May, waxaana Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed shaaciyey in Xasan Shekeh loo aqoonsaday Madaxweynihii hore ee Somalia, waxaan juhdi geliney qorshe lagu helayo hanaan heshiis lagu yahay laakiin waxaa nasiib darro ah in Madaxweynihii hore uu afduubay hay’adihii federalka”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo sharci oo uu Madaxweynihii hore ee dalka ku sameeyey hanaankii heshiiska lagu ahaa, wuxuuna duullaan toos ah ku hayaa hanaankii federalka iyo maamulada kajira dalka, wuxuuna Madaxweynihii hore si bareer ah u abuuray Burcad-badeed, wuxuu horay duullaan hubaysan ugu qaaday Raaskambooni oo uu ku diley muwaadiniin Soomaaliyeed, wuxuu sidooo kale khalkhal siyaasadeed iyo afgambi ka sameeyey ka sameeyey Magaalada Baydhabo isagoo meesha ka saaray hanaankii maamul ee ka jirey Koonfur Galbeed”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Isha: Horseed Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Horseed Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralpuntlandmadaxweynahadowladda
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.