Madaxweyne Xasan oo New York kula kulmay madax kala duwan oo ka qeyb galeysa Shirka QM
News York (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
News York (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dhinacyadaasi.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadlay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto dalalkaasi.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · new · xasan · york
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York kula kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika
Goobjoog Somali
- Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado New York + Sawirro
Caasimada Online
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York Kulamo gaar gaar ah kula Yeeshay Hoggaamiyeyaal Caalami ah
Goobjoog Somali