Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado New York + Sawirro
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada New York, oo uu uga qayb-galay furitaanka meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada New York, oo uu uga qayb-galay furitaanka meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota magaaladaasi.
Madaxweynaha ayaa kulamo doceedyo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Serbia, Mudane Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Mudane Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Mudane Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Pakistan, Mudane Muhammad Shehbaz Sharif.
Inta ay socdeen kulamadan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dhinacyadaasi.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu ka hadlay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto dalalkaasi, maadaama ay jiraan isbeddallo iyo guulo waa wayn oo ay sanadihii u dambeeyay xaqiijisay Dowladda Federaalka.
Kulamada ayaa sii socon doono, waxaana sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminayo wafdiga Soomaaliya ee ka qayb-galaya shirka guud ee Qaramada Midoobay uu soo bandhigayaa horumarka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada. Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaa mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale doonaysa in madashan caalamiga ah lagu muujiyo xaaladaha bani’aadamnimo ee Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la kordhiyo taageerada iyo maalgashiga caalamiga ah ee dalka.
Waxaa kale oo ay Dowladda Federaalka doonaysaa in ka qeyb-galka shirka Golaha Guud uu noqdo fursad lagu xoojiyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo ajandayaasheeda amni, bani’aadamnimo iyo dhaqaale.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · sheekh · new
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada