Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Horseed Mediageneral

Maraakiib ka badbaadey weeraro burcad-badeed oo ka dhacay xeebaha Somalia & Yemen.

Kooxo burcad-badeed hubeysan ayaa weerarro ku qaaday laba markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed…

SO
Maraakiib ka badbaadey weeraro burcad-badeed oo ka dhacay xeebaha Somalia & Yemen.
Sawir / xog muuqaal ah · Horseed Media

Kooxo burcad-badeed hubeysan ayaa weerarro ku qaaday laba markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

Maxaa la shaaciyey

  1. Markabka xamuulka qaada ee Greta Star ayaa la sheegay in 15-kii Juun ay u soo dhowaadeen rag hubeysan.
  2. Markab kale oo xamuul guud sida ku socdaalayay calanka Palau ayaa lagu weeraray meel qiyaastii 32 mayl-badeed koonfur kaga beegan deegaanka Xaafuun.
  3. Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa baaritaanno ku waddo dhacdooyinkan.

Kooxdu waxay rasaas culus ku furtay markabka.

Vanguard Tech
Gacanka Cadmeed iyo xeebaha bari ee Soomaaliya
2026-06-17

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khataraha burcad-badeedka ee ka jira xeebaha Soomaaliya.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Horseed Media

Kooxo burcad-badeed hubeysan ayaa weerarro ku qaaday laba markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed…

Kooxo burcad-badeed hubeysan ayaa weerarro ku qaaday laba markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha bari ee Soomaaliya, xilli ay labadaasi markabba ka badbaadeen isku dayo lagu doonayay in lagu qabsado.

Markabka xamuulka qaada ee Greta Star oo wata calanka Panama ayaa la sheegay in 15-kii Juun ay u soo dhowaadeen rag hubeysan oo saarnaa doon yar xilli uu marayay koonfurta xeebaha Yemen, waxaana sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badaha ee Vanguard Tech, kooxdu waxay rasaas culus ku furtay markabka, balse shaqaalihii saarnaa ayaa kordhiyay xawaaraha markabka isla markaana qaaday tallaabooyin amni oo ka hortagay in la qabsado.

Dhanka kale, markab kale oo xamuul guud sida kuna socdaalayay calanka Palau ayaa lagu weeraray meel qiyaastii 32 mayl-badeed koonfur kaga beegan deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari, waxaana rasaas ku furay doonood oo ay saarnaayeen ilaa 12 nin oo hubeysan oo ku amray inuu istaago si ay ula wareegaan, kahor inta aysan kooxda ilaalada gaarka ah ee saarneyd markabka ku samayn iska-caabbin sababtay inuu badbaado.

Isha: Horseed Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Horseed Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralburcadbadeeddhacay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.