Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo kala diray xukuumaddii ku-meelgaarka ahayd
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, ayaa kala diray xukuumaddii midnimada ku-meelgaarka ahayd, isagoo magacaabay maamul ku-meelgaar ah xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashadii ugu horreysay ee qaran.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, ayaa kala diray xukuumaddii midnimada ku-meelgaarka ahayd, isagoo magacaabay maamul ku-meelgaar ah xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashadii ugu horreysay ee qaran.
Wareegto uu madaxweynuhu soo saaray ayaa meesha ka saartay madaxweyne-ku-xigeennadii, wasiirradii iyo qaar ka mid ah maamulayaasha deegaanka.
Sidoo kale waxaa la kala diray goleyaashii baarlamaanka heer qaran iyo heer dowlad-goboleed, halka hay’adaha garsoorka iyo amniga ay sii shaqaynayaan.
Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii baarlamaanka Koonfurta Suudaan uu ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka , kaas oo u oggolaanaya Madaxweyne Kiir inuu xilka sii hayo inta lagu jiro xilliga doorashada.
Doorashada ayaa loo qorsheeyay 22-ka Diseembar , waxaana wax-ka-beddellada cusub ay meesha ka saarayaan shuruuddii ahayd in doorashada laga hor mariyo dhamaystirka dastuur rasmi ah iyo tirakoobka dadweynaha.
Si kastaba, mucaaradka dalka ayaa diiday isbeddelladan, iyadoo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ay walaac ka muujiyeen awoodda ballaaran ee Madaxweynaha ay siinayaan.
Michael Wani, oo ah qareen hore uga tirsanaa guddigii diyaarinta dastuurka, ayaa sheegay in haddii isbeddelladan la dhaqan geliyo, Kiir uu noqonayo qofka ugu awoodda badan dalka, maadaama madaxweyne-ku-xigeennada, baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee fulinta la kala diray.
Doorashada Koonfurta Suudaan ayaa muddo dheer dib u dhacday, waxaana markii hore la qorsheeyay in la qabto 2022 , balse laba jeer ayaa dib loo dhigay.
Waxaa weli jira arrimo muhiim ah oo ku xusan heshiiskii nabadda ee 2018 oo aan si buuxda loo dhammaystirin, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta dastuur rasmi ah, diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo mideynta ciidamada ay kala taageeraan dhinacyada siyaasadda.
Heshiiskaas nabadeed ayaa soo afjaray dagaal sokeeye oo socday muddo shan sano ah, kaas oo sida Qaramada Midoobay sheegtay sababay dhimashada ku dhowaad 400,000 oo qof , halka malaayiin kalena ay barakaceen.
Dhanka kale, hoggaamiyaha mucaaradka iyo madaxweyne-ku-xigeenkii hore, Riek Machar , ayaa weli ku jira xabsi guri, isagoo wajahaya dacwado ay ka mid yihiin khiyaano qaran iyo dil, eedeymahaas oo uu isagu beeniyay.
Amnesty International ayaa sheegtay in kala dirista xukuumaddu ay noqon karto tallaabo muhiim ah oo loo qaaday doorashada ugu horreysa ee dalka, balse waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta inay hubiyaan in shacabka ay helaan jawi ammaan ah oo ay ku codeyn karaan, musharraxiintuna ay si xor ah uga qayb geli karaan doorashada.
Xaaladda amni ee caasimadda Juba ayaa sidoo kale si weyn loo adkeeyay, iyadoo la soo sheegay isbaarooyin iyo waddooyin la xiray agagaarka xarumaha dowladda, halka ciidamada ammaanka lagu amray inay feejignaan sare ku jiraan.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · suudaan · xukuumaddii · kala