Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Mashruuc ku kacaya $3 milyan oo laga daahfuray Gaalkacyo
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Abdullahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo oo ah… Sii akhri
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Abdullahi Deni ayaa maanta daahfuray mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo oo ku kacaya $3 milyan.
Maxaa la shaaciyey
- Mashruuca biyo-saarka Gaalkacyo ayaa loogu talagalay in xal waara looga gaaro dhibaatooyinka biyaha ee magaalada.
- Dowladda Puntland ayaa ballanqaaday in ay bixinayso $1 milyan, halka inta kale laga filayo bulshada iyo ganacsatada.
- Guddiga Horumarinta Magaalada Gaalkacyo ayaa soo bandhigay qorshaha mashruuca iyo caqabadaha la xiriira biyo-saarka.
Macnaha guud
Bulshada Gaalkacyo ayaa muddo dheer u baahday mashruuc biyo-saar ah si loo xalliyo dhibaatooyinka biyo la'aanta.
“Madaxweyne Deni ayaa bulshada Gaalkacyo ugu baaqay inay baneeyaan dhulka iyo marinnada dabiiciga ah ee biyuhu maraan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Mashruucan wuxuu saameyn togan ku yeelan doonaa bilicda, nadaafadda, iyo caafimaadka deegaanka Gaalkacyo.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Abdullahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo oo ah mashruuc muhiim ah oo muddo dheer ay baahi weyn u qabtay bulshada.
Mashruucan ayaa loogu talagalay in xal waara looga gaaro dhibaatooyinka ay biyuhu ku hayaan magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xilliyada roobabka, waxaana maalgelintiisa iska kaashanaya dowladda, qurbo-joogta iyo bulshada ku nool gudaha dalka.
Waxaa lagu qiyaasayaa in wejiga koowaad ee mashruuca ay ku baxayso lacag dhan $3 milyan oo doolar, iyada oo dowladda Puntland ay ballanqaaday in ay bixinayso $1 milyan oo doolar, halka dhaqaalaha intiisa kale laga filayo bulshada, ganacsatada, shirkadaha waddaniga ah iyo qurbo-joogta reer Puntland.
Munaasabadda daahfurka mashruuca oo uu soo qabanqaabiyey Guddiga Horumarinta Magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha guud ee mashruuca, halka ay marayaan diyaar-garowgiisa iyo tallaabooyinka loo marayo hirgelintiisa. Guddigu wuxuu sheegay in dhowaan si rasmi ah loo xayeysiin doono qandaraaska mashruuca, kaas oo loogu tartamidoono hab daah-furan oo waafaqsan hannaanka loo dejiyey.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.