Maxaa ka jira in Somalia ay xanibaad dal ku-gal saartay muwaadiniinta Turkiga?
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in Soomaaliya ay xannibaad dal-ku-gal ku soo rogtay muwaadiniinta Turkiga, iyadoo caddeysay in aanu jirin wax isbeddel ah oo lagu sameeyay nidaamka isu-socodka labada dal.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Turkiga ayaa caddeysay in aanay jirin wax isbeddel ah oo lagu sameeyay nidaamka isu-socodka labada dal.
- Xarunta DMM ee la-dagaallanka wararka been-abuurka ah ayaa sheegtay in wararka xannibaadda ay yihiin kuwo marin-habaabin ah.
- Dowladda Turkiga ayaa bulshada ku baaqday inay ka taxaddaraan wararka aan kasoo bixin ilo rasmi ah.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in Soomaaliya ay xannibaad dal-ku-gal ku soo rogtay muwaadiniinta Turkiga, iyadoo caddeysay in aanu jirin wax isbeddel ah oo lagu sameeyay nidaamka isu-socodka labada dal.
Qoraal kasoo baxay xarunta DMM ee la-dagaallanka wararka been-abuurka ah ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in wararka sheegaya in “Soomaaliya ay muwaadiniinta Turkiga xannibaad dal-ku-gal saartay” ay yihiin kuwo been abuur ah oo marin-habaabin ah.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in labada dal ay weli leeyihiin heshiisyo iyo nidaamyo u oggolaanaya isu-socodka muwaadiniintooda, iyadoo xustay in aan wax isbeddel ah lagu sameyn shuruudaha dal-ku-galka (Visa-ha) ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.
Bayaanka ayaa sidoo kale waxay dowladda Turkiga ku caddeysay in aysan jirin wax go’aan cusub ah oo lagu xannibayo ama lagu adkeynayo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.
DMM ayaa ugu dambeyn bulshada ugu baaqday inay ka taxaddaraan wararka aan kasoo bixin ilo rasmi ah, isla markaana ay xogta ku saabsan isu-socodka iyo shuruudaha dal-ku-galka ka raadsadaan hay’adaha dowladda ee ay khuseyso.
Beeninta Turkiga ayaa imanaysa kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay sheegashooyin la xiriiray in dowladda Soomaaliya ay diiday dal-ku-galka muwaadiniin Turki ah oo doonayay inay dalka yimaadaan.
Warkan ayaa waxaa si weyn u faafiyay baraha bulshada kooxaha mucaaradka Turkiga, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay soo gudbinayay inuu isbeddel ku yimid nidaamka Visa-da Soomaaliya iyo Turkiga.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · turkiga · gal · dal
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada