Maxay tahay farriinta uu Muungaab gaarsiiyay madaxweyne Geelle? + Sawirro
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiGuddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, si uu farriin uga siday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayHeshiis cusub ayaa la saxiixay si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee labada caasimadood.
- Muungaab iyo wafdigiisa ayaa salaan sharafeed ugu tegay Madaxweynaha, waxaana sidoo kale wehlinayay dhiggiisa Jabuuti, Mudane Said Daoud Mohamed (Saïd Daoud) oo isagu markii horeba ku casuumay dalkaasi.
- Duqa Muqdisho ayaa Madaxweynaha Jabuuti gaarsiiyey farriin uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka caasimadda, isaga oo sidoo kale uga warbixiyay horumarrada kala duwan ee ka socda magaalada Muqdisho.
- Sidoo kale wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen dhiggiisa Jabuuti, xukuumadda iyo shacabka waddankaasi.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Muungaab ayaa Madaxweynaha Jabuuti gaarsiiyay farriin ku saabsan horumarrada Muqdisho.
- Kulanka ayaa ka dhacay Jabuuti, waxaana ka qeybgalay dhiggiisa Jabuuti, Said Daoud Mohamed.
- Heshiis cusub ayaa la saxiixay si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee labada caasimadood.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqasho rasmi ah ku jooga Jabuuti ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dalkaas, Mudan Ismaaciil Cumar Geelle.
Muungaab iyo wafdigiisa ayaa salaan sharafeed ugu tegay Madaxweynaha, waxaana sidoo kale wehlinayay dhiggiisa Jabuuti, Mudane Said Daoud Mohamed (Saïd Daoud) oo isagu markii horeba ku casuumay dalkaasi.
Duqa Muqdisho ayaa Madaxweynaha Jabuuti gaarsiiyey farriin uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka caasimadda, isaga oo sidoo kale uga warbixiyay horumarrada kala duwan ee ka socda magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen dhiggiisa Jabuuti, xukuumadda iyo shacabka waddankaasi.
Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo si diirran u soo dhaweeyey Guddoomiye Muungaab ayaa xusay in uu ku faraxsan yahay heerka xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal iyo labada shacab.
Kulankan waxaa ka horreeyay heshiis uu duqa Muqdisho shalay la saxiixday dhiggiisa magaalada Jabuuti, Said Daoud Mohamed, kaas oo ah is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga labada caasimadood, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo horumarinta.
Heshiiskan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu saldhig u noqonayo iskaashi toos ah oo dhex mara maamullada Muqdisho iyo Jabuuti, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay abuuraan fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.
Si kastaba, ha’ahaatee, Heshiiska labada caasimadood ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti ay iyaguna ballaarinayaan xiriirkooda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.
The post Maxay tahay farriinta uu Muungaab gaarsiiyay madaxweyne Geelle? + Sawirro appeared first on Caasimada Online .
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · humanitarian · humanitarian · muungaab · geelle
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Goobjoog Somali
- Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal
Shabelle Media
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey shacabka ka qeyb galay doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle
Goobjoog Somali