Milateriga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo Beeniyay Isku Day Afgambi oo Ka Dhan ah Dowladda
BANGUI – Milateriga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay inuu jiro qorshe lagu afgambinayo dowladda, iyagoo ku adkeystay in xaaladda dalka ay deggan tahay, hay’adaha dowladduna si caadi ah u shaqeynayaan. War-saxaafadeed ay soo saareen Taliska Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in wararka […]

Milateriga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa beeniyay warar sheegaya isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda.
Maxaa la shaaciyey
- Milateriga ayaa sheegay in xaaladda dalka ay deggan tahay oo hay'adaha dowladdu si caadi ah u shaqeynayaan.
- Taliska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku tilmaamay wararka afgambiga ah kuwo aan sal lahayn.
- Saraakiisha milateriga ayaa shacabka ku booriyay inay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin.
Macnaha guud
Wararka ku saabsan isku day afgambi ayaa si degdeg ah ugu faaftay baraha bulshada, iyadoo dalal badan oo Afrika ah ay la kulmeen afgambi iyo isku dayo xukunka lagu qabsanayo.
“Wararka ku saabsan isku day afgambi waa kuwo aan sal lahayn, isla markaana looga gol leeyahay in lagu abuuro jahwareer iyo kalsooni darro bulshada dhexdeeda.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda amni ee dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo inaysan jirin khatar ku wajahan dowladda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
BANGUI – Milateriga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay inuu jiro qorshe lagu afgambinayo dowladda, iyagoo ku adkeystay in xaaladda dalka ay deggan tahay, hay’adaha dowladduna si caadi ah u shaqeynayaan.
War-saxaafadeed ay soo saareen Taliska Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in wararka ku saabsan isku day afgambi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, isla markaana looga gol leeyahay in lagu abuuro jahwareer iyo kalsooni darro bulshada dhexdeeda.
Saraakiisha milateriga ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin, ayna ku kalsoonaadaan oo keliya xogaha kasoo baxa hay’adaha rasmiga ah ee dowladda.
Mas’uuliyiinta magaalada Bangui ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanku ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda isla markaana ay daacad u yihiin dowladda Madaxweyne Faustin-Archange Touadéra, iyagoo xusay in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan nidaamka dowladeed ee dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.