Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno. The post Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026 first appeared on Radio Dalsan .

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa Axadda maanta ah hoggaamiyay munaasabad lagu shaaciyay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa lagu shaaciyay magacyada iyo xogta ardayda galay saddexda kaalin ee ugu sarreysa, kuwaas oo kala ah Sumayo Xasan Abshir Aadam (kaalinta 1aad), Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed (kaalinta 2aad), iyo Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi (kaalinta 3aad).
Munaasabadan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxay muujinaysaa sida Maamulka Gobolka Banaadir ugu go’an tahay horumarinta waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda. Ardayda waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinno isugu jiray Dahab, Computer laptop iyo hadiyado kale, si loogu dhiirrigeliyo dadaalkooda waxbarasho iyo kobcinta aqoontooda, taasoo noqonaysa mid ugu horraysa oo maamulku uu ku abaal-marinayo ardayda .
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, oo hambalyo u diray dhammaan ardayda ka qaybgashay imtixaanka, ayaa xusay in waxbarashadu tahay tiirka aasaasiga ah ee horumarka bulshada iyo dhismaha jiil aqoon, karti iyo mas’uuliyad leh. Waxa uu ardayda ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho, kana faa’iideystaan fursadaha loo abuurayo mustaqbalkooda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.