Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ oo ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐๐ฒ ๐ก๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐๐ก
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyagoo ka faaโiideysanaya cansh
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Shiinaha, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo Shiinaha iyagoo ka faaโiideysanaya canshuur-dhaaf buuxa.
Maxaa la shaaciyey
- Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi ah oo kor u qaadaya dhoofinta kalluunka Soomaaliyeed.
- Wasiirka ayaa sheegay in heshiisku uu guul weyn u yahay Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysatada.
- Safiirka Shiinaha ayaa tilmaamay in heshiisku uu fududeyn doono ganacsiga labada dal.
โHeshiiskan ayaa lagu daabacay Bogga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, ayay waxay heshiiskan u aragtaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu kobcinayo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed.โ
Sababta ay muhiim u tahay: Heshiiskan ayaa muhiim u ah kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, maadaama uu fursad cusub u furayo suuqyada caalamiga ah.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh ยท Soomaali
Soomaali ยท Mashiin turjumay ยท Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyagoo ka faaโiideysanaya canshuur-dhaaf buuxa.
Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi u ah horumarinta waaxda kalluumeysiga Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee badeecadaha kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah ugu helaan suuqa Shiinaha fursad canshuur-dhaaf ah, taas oo sare u qaadeysa tartanka iyo fursadaha dhoofinta ee kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysatada, ganacsatada iyo dhammaan daneeyayaasha waaxda kalluumeysiga. Wasiirku wuxuu xusay in heshiisku uu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu furayo bog cusub oo iskaashi iyo maalgashi oo faaโiido u leh labada dal.
Dhankiisa, Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa tilmaamay in heshiiskani uu fududeyn doono ganacsiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadi doono is-weydaarsiga ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale. Wuxuu sidoo kale sheegay in heshiisku uu faaโiido muuqata u yeelan doono shacabka Soomaaliya iyo Shiinaha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.