Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay markabka MT Honour 25 ee lagu haysto xeebaha Puntland
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Mohammad Ishaq Dar ayaa wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya kala hadlay sidii… Sii akhri
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Pakistan iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sii deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go'an tahay taageeridda badqabka dadka la haysto.
- Kooxda Burcad-badeeda ah ayaa dalbatay 3 milyan oo doolar oo madax furasho ah.
- Labada mas'uul ayaa isku raacay in la sii wado wada shaqeyn iyo xiriir dhow.
“Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta degdegga ah ee dadka la haysto.”
Sababta ay muhiim u tahay: Somali akhristayaasha waxay u baahan yihiin inay ogaadaan dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan badqabka muwaadiniinta Pakistan.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Mohammad Ishaq Dar ayaa wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya kala hadlay sidii lagu siidayn lahaa muwaadiniinta u dhashay Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25, kaas oo lagu haysto xeebaha degmada Banderbayla ee Puntland.
Wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ka go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta degdegga ah ee dadka la haysto.
Labada mas’uul oo ku wada hadlay khadka telefoonka ayaa isku raacay in la sii wado wada shaqeyn iyo xiriir dhow oo ay yeeshaan labada dowladood ilaa arrintan xal laga gaarayo.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, si ay uga wada hadlaan dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo sii deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25”.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.