Puntland oo Golaha Ammaanka u gudbisay cabasho ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya
Garoowe ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Garoowe ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland, oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa ku baaqday in la qabto wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo ay ka qayb galaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya, si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Sidoo kale, Puntland waxay ku baaqday in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta beesha caalamka ay la leedahay dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyadoo muhiimad gaar ah siisay wada-tashi iyo iskaashi ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo amniga.
Qoraalka ayaa sidoo kale taabanaya xaaladda amni ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka jira xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Geesta kale maamulka Puntland ayaa Golaha Ammaanka, ayaa codsaday in markale dib cunaqabateyn loo saaro Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in hubkii ay heshay dowladda Federaalka u adeegsaneyso mucaaradka iyo maamulada dalka ka jira.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · puntland · soomaaliya · gudbisay
Sii akhri
- Deni oo QM u diray warqad uu ku muujiyay doonista Puntland ee ka go’itaanka Soomaaliya
Caasimada Online
- WAR DEG DEG AH:Madaxwayne Dani oo ka codsaday Qaramada Midoobay in Puntland ay ka godo Soomaaliya
Hiiraanweyn
- Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay iskaashiga difaaca iyo amniga Badda Cas
Shabelle Media