Deni oo QM u diray warqad uu ku muujiyay doonista Puntland ee ka go’itaanka Soomaaliya
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay in rajadeedii ahayd in Soomaaliya laga dhiso dowlad deggan, nabad ah, dimuqraadi ah oo federaal ah aan weli la gaarin, isla markaana ay Puntland hadda wajahayso cadaadis uga imanaya qaybo ka mid ah shacabkeeda oo doonaya inay…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay in rajadeedii ahayd in Soomaaliya laga dhiso dowlad deggan, nabad ah, dimuqraadi ah oo federaal ah aan weli la gaarin, isla markaana ay Puntland hadda wajahayso cadaadis uga imanaya qaybo ka mid ah shacabkeeda oo doonaya inay ka madax-bannaanaato Dowladda Dhexe.
Madaxweynaha Puntland ayaa arrintan ku sheegay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Jérôme Bonnafont.
Warqadda ayaa lagu sheegay in Puntland muddo dheer ku dadaalaysay in Soomaaliya lagu dhiso nidaam federaal ah oo nabdoon, balse ay aaminsan tahay in geeddi-socodkii dowlad-dhisidda uusan u hirgelin sidii la filayay.
Puntland waxay sidoo kale sheegtay inay ka cabanayso iskaashi la’aan ay kala kulantay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warqadda Deni waxa kale oo si gaar ah uga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo Golaha Ammaanka uu ka codsaday inuu taageero wada-hadal Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, kaas oo lagu heshiisiinayo khilaafaadka siyaasadeed isla markaana lagu diyaarinayo hannaan doorasho oo ay ku soo baxaan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Puntland waxay sidoo kale ku eedaysay Dowladda Federaalka inay tan iyo 2023 qaaday tallaabooyin ay ku wiiqayso maamulkeeda, oo ay ku jiraan taageeridda dhinacyo siyaasadeed iyo maleeshiyaad gudaha Puntland ah.
Eedeymahan ayaa qeyb ka ah doodda siyaasadeed ee Saciid Deni uu warqadda ugu gudbiyay Golaha Ammaanka.
Warqaddu waxay sidoo kale xustay dagaallada Puntland ay kula jirto kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Cal-miskaad, iyadoo Puntland sheegtay in dagaalkaas aysan ka helin Dowladda Federaalka taageero dhinaca ciidanka, dhaqaalaha iyo qalabka ah. Waxay Golaha Ammaanka ka codsatay in taageerada caalamiga ah lagu saleeyo baahida amni ee dhabta ah.
Arrinta burcad-badeedda ayaa iyaduna si weyn uga dhex muuqatay warqadda. Puntland waxay sheegtay in burcad-badeeddu dib uga soo cusboonaatay xeebaha Soomaaliya, ayna diiwaangashan yihiin dhacdooyin cusub.
Waxay sidoo kale ka hadashay duqeymo ay sheegtay in ciidamada Turkigu ka fuliyeen xeebaha gobolka Nugaal, kuwaas oo sida maamulku sheegay sababay dhimashada muwaadiniin Soomaaliyeed iyo burburka doonyo kalluumeysi.
Puntland waxay Golaha Ammaanka ka codsatay in dib loo cusboonaysiiyo waajibaadka Guddiga Khubarada ee Soomaaliya, si loo dabagalo dhaqdhaqaaqa hubka, xiriirrada dambiyada iyo shabakadaha argagixisada.
Waxa kale oo maamulka soo jeediyay in dib loo eego arrinta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, iyadoo walaac ka muujisay adeegsiga qalabka milateri ee khilaafaadka siyaasadeed.
Sidoo kale, Deni ayaa codsaday sii wadista howlgalka UNTMIS, isagoo sheegay in xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya ay weli u baahan tahay joogitaanka iyo hawlaha Qaramada Midoobay. Wuxuuna Golaha Ammaanka ka codsaday in la kordhiyo muddada waajibaadka xafiiskaas.
Warqadda ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka ku eedaysay inay Golaha Ammaanka u gudbiso xog ay Puntland ku tilmaantay marin-habaabin, iyadoo sidoo kale sheegtay inay jiraan walaacyo la xiriira maareynta gargaarka caalamiga ah, heshiisyada kheyraadka iyo rukhsadaha lala galay dhinacyo shisheeye.
Sidoo kalr waxay dalbatay isla-xisaabtan, hufnaan iyo in dib loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.
Inkasta oo warqaddu ay sheegtay in qaybo ka mid ah shacabka Puntland ay cadaadis ku saarayaan maamulka inay qaadaan waddo madax-bannaani ah, qoraalka rasmiga ah si toos ah uma sheegayo in Madaxweynaha Puntland uu Golaha Ammaanka ka codsaday in Puntland si rasmi ah looga gooyo Soomaaliya.
Waxa uu qoraalku sheegayaa in haddii xaaladda siyaasadeed ay sii socoto, Puntland ay “mustaqbalka tixgelin karto” inay si joogto ah xiriirka ugu jarto Muqdisho. Sidaas darteed, arrinta gooni-isu-taagga waxaa warqaddu u soo bandhigtay digniin iyo suurtagal siyaasadeed, halkii ay ka ahayd codsi rasmi ah oo gooni-isu-taag ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · warqad · puntland · soomaaliya