Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Puntland oo howlgal sababay dhimasho ku qaaday koox Burcad-badeedda
Hal qof ayaa ku dhintay howlgal ay maanta Puntland ku qaaday todobada nin oo ka tirsan kooxdii Burcad-badeedda ee lacagta… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Hal qof ayaa ku dhintay howlgal ay maanta Puntland ku qaaday todobada nin oo ka tirsan kooxdii Burcad-badeedda ee lacagta madaxfurashada ka qaatay markabkii Turkiga u rarnaa ee Lutuf, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.
Sidoo kale waxaa howlgalka lagu qabtay labo nin oo ka mid ahaa kooxda Burcad-badeedda, halka ay baxsadeen afartii kale, sida saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland u sheegeen Puntland Post.
Kooxda Burcad-badeedda ee lacagta madax-furashada ku siidaayay markab MV Lutuf, waxay weli afduub u haystaan markabka MV Sward, kaas oo ay ka dalbadeen lacag madax-furasho.
Puntland ayaa weli ka hadlin howlgalka ay ku qaaday kooxda burcad-badeedda ee sababay dhimashada iyo qabashada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.