Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Puntland Postgeneral

Puntland oo tababar u furmay ciidan magacooda lagu sheegay RRU

Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/sare Siciid Nuur Shire, Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka… Sii akhri

SO
Puntland oo tababar u furmay ciidan magacooda lagu sheegay RRU
Sawir / xog muuqaal ah · Puntland Post

Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/sare Siciid Nuur Shire ayaa maanta tababar feer-celin ah u furay ciidamo magacooda lagu sheegay RRU oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Maxaa la shaaciyey

  1. Tababarkan waxaa lagu xoojiyay aqoonta, xirfadaha iyo waajibaadka shaqo ee ciidamada.
  2. Mas'uuliyiinta ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda tababaro joogto ah.
  3. Ujeedada tababarkan ayaa ah in la helo ciidan leh xirfad, karti iyo diyaar-garow buuxa.

Waxa ay sidoo kale xuseen muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababaro joogto ah.

G/sare Siciid Nuur Shire, G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud, Cabdicasiis Yuusuf Caamir
Qardho
2026-06-08

Sababta ay muhiim u tahay: Tababarkan ayaa muhiim u ah xoojinta amniga Puntland iyo ilaalinta nabadgelyada bulshada.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Puntland Post

Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/sare Siciid Nuur Shire, Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir ayaa maanta magaalada Qardho tababar feer-celin ah ugu furay ciidamo magacooda lagu sheegay RRU oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay kor u qaadaan aqoonta, xirfadaha iyo waajibaadka shaqo ee looga baahan yahay sugidda amniga iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.

Waxa ay sidoo kale xuseen muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababaro joogto ah oo sare u qaada tayada, hufnaanta iyo diyaar-garowga shaqadooda.

Tababarkan feer-celinta ah ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada ciidamada amniga Puntland, iyadoo la hiigsanayo in la helo ciidan leh xirfad, karti iyo diyaar-garow buuxa oo ka jawaabi kara baahiyaha amni ee jira, isla markaana door muuqda ka qaata ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.

Isha: Puntland Post. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Puntland Post
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralpuntlandmagacoodasheegay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.