Puntland oo xog cusub ka soo saartay furashada markabka SIBU 1
Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa caawa faahfaahin dhammeystiran ka bixisay howlgalkii ay saaka ku furteen markabka SIBU 1/SEAMUL oo… Sii akhri

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa caawa faahfaahin dhammeystiran ka bixisay howlgalkii ay saaka ku furteen markabka SIBU 1/SEAMUL oo u afduubnaa koox Burcad-badeed ah.
PMPF waxay sheegtay in kooxda markabka haysatay ay dhammeyd 47 qof, islamarkaana howlgalka lagu qabtay 41 ka mid ah, hal qof uu dhintay, shana la dhaawacay.
Dhammaan shaqaalaha markabka iyo hantidii saarnayd ayaa PMPF xustay in ay badqabaan, kuwaas oo tiro ahaan dhan 20 ruux oo ka soo kala jeeda dalalka, 16 Hindiyaan ah, 2 Suuriyaan ah, 1 Ciraaq ah iyo 1 Suudaani ah.
Markabka SIBU 1 oo ah kuwa shidaalka qaada waxaa 20-kii bishii la soo dhaafay ee Agoosto laga soo afduubtay xeebaha dalka Yemen, isaga oo ku gooshayay calanka dalka Eleteriya.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · markabka · sibu · puntland
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada