Qorshaha Soomaaliya ee diyaaradaha dagaalka JF-17 oo maraya marxalad Rasmi ah
Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo awoodda Ciidanka Cirka iyo lagu soo iibsanayo diyaaradaha dagaalka ee nooca JF-17 Thunder Block III ayaa warbixinno cusub oo dhinaca difaaca ah lagu sheegay inuu gaaray marxalad rasmi ah, inkastoo faahfaahinta heshiiska…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Soomaaliya iyo Pakistan ayaa ku hawlan wada-hadallo ku saabsan iibsashada diyaaradaha JF-17.
- Qiimaha xirmada diyaaradaha ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad $900 milyan.
- Heshiiska wuxuu noqon karaa mid ka mid ah maalgelinnadii ugu waaweynaa ee dib-u-dhiska awoodda militari ee Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo awoodda Ciidanka Cirka iyo lagu soo iibsanayo diyaaradaha dagaalka ee nooca JF-17 Thunder Block III ayaa warbixinno cusub oo dhinaca difaaca ah lagu sheegay inuu gaaray marxalad rasmi ah, inkastoo faahfaahinta heshiiska aysan weli si buuxda uga soo bixin labada dowladood.
Warbixinno la daabacay horaantii 2026 ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Pakistan ay wada-hadallo heer sare ah ka lahaayeen iibsashada illaa 24 diyaaradood oo JF-17 Block III ah , iyadoo qiimaha xirmada lagu qiyaasay ku dhowaad $900 milyan .
Wada-hadallada ayaa xoog yeeshay kadib booqasho uu taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya ku tegay Islamabad.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sidoo kale Janaayo 2026 xaqiijisay in dalal kala duwan ay Pakistan kala hadlayeen diyaaradda JF-17 Thunder, iyadoo sheegtay in marka heshiisyadu si rasmi ah u dhammaadaan la shaacin doono.
Warbixinnada ku saabsan qorshaha Soomaaliya waxay tilmaamayaan in wada-hadalladu diiradda saarayaan JF-17 Thunder Block III , oo ah nooca ugu horumarsan ee diyaaraddan.
Xirmada la sheegay inay Soomaaliya iyo Pakistan ka wada hadlayaan ma ahan oo keliya diyaaradaha, balse waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku jiraan tababar duuliyayaal, tababar shaqaalaha dhulka, dayactir iyo taageero farsamo .
Haddii heshiiska la dhammeystiro, wuxuu noqon lahaa mid ka mid ah maalgelinnadii ugu waaweynaa ee Soomaaliya ku sameyso dib-u-dhiska awooddeeda militari tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991.
Soomaaliya muddo ka badan saddex iyo soddon sano ayay ka maqneyd awood ciidan oo casri ah oo ku salaysan diyaarado dagaal oo ay iyadu leedahay. Warbixinnada ku saabsan JF-17 ayaa sidaas darteed lagu xiriiriyay qorshaha dowladda ee dib-u-dhiska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo horumarinta awoodda ilaalinta hawada dalka.
JF-17 Thunder waa diyaarad dagaal oo ay si wadajir ah u horumariyeen Pakistan iyo Shiinaha , waxaana Block III lagu qalabeeyay nidaamyo casri ah oo ay ka mid yihiin radar AESA, avionics la casriyeeyay iyo awoodaha dagaalka hawada iyo weerarrada bartilmaameedyada dhulka.
Inkasta oo warbaahin dhowr ah ay sheegtay in heshiiska Soomaaliya iyo Pakistan uu marayo heer sare, haddana waxaa muhiim ah in la kala saaro wadaxaajoodka, heshiis hordhac ah iyo qandaraas rasmi ah oo si wadajir ah ay dowladuhu u shaaciyeen .
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · rasmi · diyaaradaha · qorshaha