Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Nairobi ku Qabatay Munaasabad Lagu Xusay 66-guurada Xorriyadda Gobollada Waqooyi
Nairobi, Kenya – Munaasabadda oo ka dhacday xaafadda Islii ayaa waxaa soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo kaashanaysa Guddiga Ganacsatada Islii iyo shacabka ku dhaqan dalka Kenya, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya, diblomaasiyiin, hoggaamiyeyaal bulshada Soomaaliyeed, ganacsato, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kal
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa Nairobi ku qabatay munaasabad lagu xusay 66-guurada xorriyadda Gobollada Waqooyi 26-kii Juun 2026.
Maxaa la shaaciyey
- Danjiraha Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka hadlay muhiimadda xorriyadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
- Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya, diblomaasiyiin, iyo hoggaamiyeyaal bulshada Soomaaliyeed.
- Danjiruhu wuxuu ku dhawaaqay in Toddobaadka Xorriyadda la daah-furi doono, laga bilaabo 26-ka Juun illaa 1-da Luulyo.
““Midnimada ummadda Soomaaliyeed waa tiirka ugu weyn ee lagu gaari karo nabad, horumar iyo dowladnimo waarta.””
Sababta ay muhiim u tahay: Munaasabaddan waxay muujinaysaa muhiimadda xuska xorriyadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Nairobi, Kenya – Munaasabadda oo ka dhacday xaafadda Islii ayaa waxaa soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo kaashanaysa Guddiga Ganacsatada Islii iyo shacabka ku dhaqan dalka Kenya, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya, diblomaasiyiin, hoggaamiyeyaal bulshada Soomaaliyeed, ganacsato, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Munaasabadda ayaa lagu maamuusay 66-guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeysigii Ingiriiska 26-kii Juun 1960, xilligaas oo calanka Soomaaliyeed markii ugu horreysay laga taagay magaalada Hargeysa, taasoo ahayd bilowgii himilada mideynta ummadda Soomaaliyeed.
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo munaasabadda khudbad dheer ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay qiimaha ay leedahay xorriyadda iyo muhiimadda ay leedahay midnimada shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in halgankii gobannimada lagu kasbaday uu ahaa mid lagu bixiyay naf iyo maal, loona baahan yahay in jiilasha maanta ay ilaaliyaan midnimada, wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya.
Danjiraha Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa sheegay in xuska 26-ka Juun uusan ahayn oo keliya maalin lagu xuso taariikh, balse uu yahay maalin dib loogu milicsado halgankii xorriyadda iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.