Safiirka Midowga Yurub iyo mucaaradka oo isla gartay qodob la xiriira doorashooyinka
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,László Máthé ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Xoghayaha Madasha Samatabixinta, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi),iyaga oo ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- War-saxaafadeed uu soo saaray Khayre ayuu ku sheegay in Danjiraha ay wada yeesheen kulan miro-dhal ah, isla markaana ay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha dastuurka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka iyo dhinacyda mucaaradka.
- Sidoo kale wuxuu sheegay in ay isla garteen in xalka ugu habboon uu yahay in la helo hannaan doorasho oo loo dhanyahay, si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.
- “Waxaan maanta kulan miro-dhal ah aan yaalannay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya, Mudane László Máthé oo aan ka wada hadalnay xaaladda cakiran ee Dastuurka iyo siyaasadda dalka.
- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka iyo danjiraha Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka wada-hadlay arrimaha amniga iyo sidii meel looga wada jeesan lahaa kooxaha argagixisada.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,László Máthé ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Xoghayaha Madasha Samatabixinta, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi),iyaga oo ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga.
War-saxaafadeed uu soo saaray Khayre ayuu ku sheegay in Danjiraha ay wada yeesheen kulan miro-dhal ah, isla markaana ay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha dastuurka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka iyo dhinacyda mucaaradka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ay isla garteen in xalka ugu habboon uu yahay in la helo hannaan doorasho oo loo dhanyahay, si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.
“Waxaan maanta kulan miro-dhal ah aan yaalannay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya, Mudane László Máthé oo aan ka wada hadalnay xaaladda cakiran ee Dastuurka iyo siyaasadda dalka. Waxaan isla qirnay in xalka ugu habboon uu yahay in sida ugu dhaqsaha badan loo helo hannaan doorasho oo loo dhanyahay, kaas oo ay Soomaalidu heshiis iyo is-afgarad ku gaarto,” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka iyo danjiraha Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka wada-hadlay arrimaha amniga iyo sidii meel looga wada jeesan lahaa kooxaha argagixisada.
“Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, annaga oo adkaynay in guulaha laga gaarayo furimaha dagaalku aanay sii waarin karin haddii aan la helin midnimo iyo heshiis siyaasadeed,” ayuu sii raaciyay.
Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Ururka Midowga Yurub uga mahadceliyey garab-istaagga iyo taageerada joogtada ah ee uu Soomaaliya siiyo iyo iskaashiga muddada dheer uu la leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo wadaan wakiilada beesha caalamka oo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan dalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · safiirka · midowga · yurub
Sii akhri
- Wasiirka Cadaaladda oo Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka ku eedeeyay inay isku bahaysteen ka-hor-tagga dowladda Federaalka
Shabelle Media
- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo casho sharaf u sameeyay wafdi ka socda Sacuudiga
Shabelle Media
- Danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga oo la kulmay Duqa Magaalada Riyaad
Shabelle Media