Sanbaloolshe oo digniin culus soo saaray kadib dagaalkii lagu hoobtay ee shalay
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiCabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa digniin culus soo saaray kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay Koonfur Galbeed, isagoo dhaliil u jeedinaya isticmaalka ciidamada qaranka ee dano siyaasadeed.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sanbaloolshe oo eedeymo waa wayn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada qaranka uu u adeegsanayo dano siyaasadeed, isaga oo su’aal ka keenay sida ay wax u socdaan, gaar ahaan xiisadaha kasoo cusboonaaday meelo kala duwan oo kamid ah dalka.
- “Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Xasan Sheekh, waxa uu ciidanka qaranka u adeegsaday loollanka siyaasadeed, khilaafaadka madaxdii hore, halkii ay ahayd in uu dhiso ciidan qaran oo dalka ka difaaca khataraha amni marka ay taageerada shisheeye yaraato,” ayuu yiri Mudane Cabdullahi Sanbaloolshe oo hadda mudane ka tirsan Golaha Sahcabka.
- Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday dagaallada ka socda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dagaalkii lagu hoobtay ee shalay dhex-maray ciidamada dowladda ee ku sii jeeday dhanka degmada Buurhakaba iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo dhaliyay khasaare xoog leh.
- “Wixii shalay ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay mar kale soo bandhigeen su’aal culus oo ay tahay in ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda muddo dhaafka ah iyo taliska ciidanka xoogga dalka, si dhab ah uga jawaabaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee Soomaaliya ee ku saabsan isticmaalka ciidamada milatariga ee khilaafaadka siyaasadeed, taasoo saameyn ku yeelan karta amniga qaranka iyo maamulka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto ka dib hadallada Sanbaloolshe?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ciidanka qaranka u adeegsaday dano siyaasadeed.
- Sanbaloolshe wuxuu soo hadal qaaday dagaallada ka socda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dagaalkii lagu hoobtay ee shalay.
- Dagaalkii ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu dhaliyay khasaare xoog leh.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay xaaladdda cakiran ee dalka, gaar ahaan amniga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.
Sanbaloolshe oo eedeymo waa wayn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada qaranka uu u adeegsanayo dano siyaasadeed, isaga oo su’aal ka keenay sida ay wax u socdaan, gaar ahaan xiisadaha kasoo cusboonaaday meelo kala duwan oo kamid ah dalka.
“Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Xasan Sheekh, waxa uu ciidanka qaranka u adeegsaday loollanka siyaasadeed, khilaafaadka madaxdii hore, halkii ay ahayd in uu dhiso ciidan qaran oo dalka ka difaaca khataraha amni marka ay taageerada shisheeye yaraato,” ayuu yiri Mudane Cabdullahi Sanbaloolshe oo hadda mudane ka tirsan Golaha Sahcabka.
Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday dagaallada ka socda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dagaalkii lagu hoobtay ee shalay dhex-maray ciidamada dowladda ee ku sii jeeday dhanka degmada Buurhakaba iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo dhaliyay khasaare xoog leh.
“Wixii shalay ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay mar kale soo bandhigeen su’aal culus oo ay tahay in ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda muddo dhaafka ah iyo taliska ciidanka xoogga dalka, si dhab ah uga jawaabaan. Ciidanka xoogga dalka oo naftiisa u huraya dalka ma mudna in loo beddelo aalad lagu xalliyo loollan siyaasadeed,” ayuu sii raaciyay.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-
Haddii ciidanka qaranka loo adeegsado ilaalinta kursi siyaasadeed, yaa ilaalinaya qaranka marka kursigaasi noqdo isha khilaafka?
Soomaaliya muddo dheer ayay ku tiirsanayd ciidamada Midowga Afrika, kuwaas oo taageero ka helayay Qaramada Midoobay iyo dalal kale. Ciidamadaasi waxay door ka qaateen dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab iyo taageeridda dhismaha ciidamada Soomaaliyeed. Hase yeeshee, taageerada dibaddu ma noqon karto beddelka awood ciidan oo qaran, isku duuban, isla markaana leh hoggaan sharciyad iyo kalsooni ku dhisan.
Waxaa intaas dheer in mustaqbalka taageerada caalamiga ahi aanu ahayn mid iska sii socon doonta. Doodaha hadda socda ee ku saabsan maalgelinta iyo sii wadidda hawlgallada AUSSOM waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay inay si dhab ah uga shaqayso sidii ay masuuliyadda amnigeeda ula wareegi lahayd.
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Xasan Sheekh, waxa uu ciidanka qaranka u adeegsaday loollanka siyaasadeed, khilaafaadka madaxdii hore, halkii ay ahayd in uu dhiso ciidan qaran oo dalka ka difaaca khataraha amni marka ay taageerada shisheeye yaraato.
Marka ciidanka qaranka lagu dhex daro loollanka siyaasadeed, waxaa dhaawacma kalsoonidii shacabka, waxaa wiiqma midnimadii hay’adaha amniga, waxaana mugdi gelaya ujeeddadii loo dhisay ciidanka Soomaaliyeed.
Dhacdooyinkii Raaskambooni, Beled-Xaawo, Gaalkacyo iyo weerarradii lagu qaaday guryaha madaxdii hore ee dalka ee ka dhacay Muqdisho bartamihii sannadkan, waxay bixiyeen sawir muujinaya in ciidamadii loo dhisay dalka difaaciisa loo adeegsanayo dano siyaasadeed.
Koonfur Galbeed waxa ka taagan colaad sokeeye oo rijiimka waqtigiisu dhammaaday uu sabab u yahay, halka gobolka Hiiraan ay ka jirto tabasho ay qabaan bulshada deegaanka.
Wixii shalay ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay mar kale soo bandhigeen su’aal culus oo ay tahay in ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda muddo dhaafka ah iyo taliska ciidanka xoogga dalka, si dhab ah uga jawaabaan. Ciidanka xoogga dalka oo naftiisa u huraya dalka ma mudna in loo beddelo aalad lagu xalliyo loollan siyaasadeed.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, qaraabadii, eheladii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen askartii iyo saraakiishii Soomaaliyeed ee shalay shahiiday.
Waxaa wax laga xumaado ah in mar kale lagu hawlan yahay sidii ciidamo cusub looga diri lahaa Muqdisho, kuwaas oo lagu xoojinayo ciidankii shalay jidka loo galay, iyadoo la doonayo in isla waddadii lagu celiyo, xilli khatartu tii hore ka daran tahay, ciidankuna niyad-jabsan yihiin.
Amniga dalkeenna laguma xallin karo ciidan oo keliya; waxaa lagu xaqiijin karaa hoggaan masuul ah, heshiis siyaasadeed, hay’ado xooggan iyo ciidan daacad u ah qaranka, ee aan u adeegayn kursi siyaasadeed.
Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed waxaa loo dhisay difaaca dalka, ilaalinta shacabka, dhowrista madax-bannaanida qaranka iyo sugidda amniga guud. Looma dhisin inay noqdaan gaashaan siyaasadeed oo lagu ilaashado kursiga madaxweyne, lagu cabburiyo mucaaradka ama lagu meel mariyo dano gaar ah.
Madaxweynuhu waa xil loo igmaday oo muddo xaddidan leh, laakiin qaranku waa hanti ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Kursigu wuu isbeddeli karaa, hoggaamiyayaashuna way kala dambayn karaan, hase yeeshee qaranka iyo hay’adihiisa amni waa inay sii jiraan, iyagoo ka madax-bannaan loollanka siyaasadeed.
Askarta Soomaaliyeed ee naftooda u huraya difaaca dalka waxay mudan yihiin in la dhowro sharaftooda, xuquuqdooda iyo dhexdhexaadnimadooda.
Waa inaan lagu qasbin inay qayb ka noqdaan loollan siyaasadeed oo aan iyaga iyo qarankaba dan u ahayn. Waa inaan laga weecin waajibaadkooda aasaasiga ah ee la dagaallanka argagixisada, ilaalinta shacabka iyo sugidda amniga dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa digniin culus soo saaray kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay Koonfur Galbeed, isagoo dhaliil u jeedinaya isticmaalka ciidamada qaranka ee dano siyaasadeed.
Qodobada muhiimka ah
- Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ciidanka qaranka u adeegsaday dano siyaasadeed.
- Sanbaloolshe wuxuu soo hadal qaaday dagaallada ka socda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dagaalkii lagu hoobtay ee shalay.
- Dagaalkii ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu dhaliyay khasaare xoog leh.
- Sanbaloolshe wuxuu su'aal ka keenay sida ay wax u socdaan, gaar ahaan xiisadaha kasoo cusboonaaday meelo kala duwan oo kamid ah dalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Madaxweyne Xasan Sheekh ama dowladda ee ku saabsan eedeymaha Sanbaloolshe.
- Tirakoobka khasaare ee dagaalka ayaa la soo sheegay laakiin aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay hadallada Sanbaloolshe iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Soomaaliya waxay weli tahay mid adag, iyadoo ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo amni oo muhiim ah sida ay muujinayaan hadallada Sanbaloolshe.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto ka dib hadallada Sanbaloolshe?
- Waa maxay tirakoobka saxda ah ee khasaare ee dagaalka dhawaan?
- Sidee bay xaaladda siyaasadeed u horumari doontaa ka dib hadalladan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee Soomaaliya ee ku saabsan isticmaalka ciidamada milatariga ee khilaafaadka siyaasadeed, taasoo saameyn ku yeelan karta amniga qaranka iyo maamulka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soo · sanbaloolshe · saaray
Sii akhri
- Shariif oo dalbaday baaritaan kaddib khasaaraha ciidanka ka soo gaaray dagaalkii…
Caasimada Online
- Soomaaliya oo Shir Caalami ah ku Soo Bandhigtay Horumarka Duulista Rayidka iyo Muhiimadda Hawadeeda
Hiiraanweyn
- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho oo daahfuray Madasha afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka
Shabelle Media