Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeysay Dilka 27 Qof oo Rayid Ah
Khartuum, Suudaan – Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku eedeysay Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) inay dileen ugu yaraan 27 qof oo rayid ah kadib weerar hubeysan oo lagu qaaday tuulooyin hoostaga deegaanka Al-Murra ee galbeedka magaalada Bara, gobolka Waqooyiga Kordofan. Sida ay sheegtay shabakadda, weerarka ayaa dhacay maalintii Khamiista, oo ku beegnayd maalintii labaad […

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Khartuum, Suudaan – Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku eedeysay Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) inay dileen ugu yaraan 27 qof oo rayid ah kadib weerar hubeysan oo lagu qaaday tuulooyin hoostaga deegaanka Al-Murra ee galbeedka magaalada Bara, gobolka Waqooyiga Kordofan.
Sida ay sheegtay shabakadda, weerarka ayaa dhacay maalintii Khamiista, oo ku beegnayd maalintii labaad ee munaasabadda Ciidul Adxaa. Dadka la dilay ayaa isugu jiray rayid iyo dad waayeel ah oo ku sugnaa deegaannada la weeraray, iyadoo aan la sheegin inay halkaasi ka jireen dagaallo ama joogitaan ciidan xilliga uu weerarku dhacay.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo heshiisyada caalamiga ah ee lagu ilaaliyo dadka rayidka ah xilliyada colaadaha hubeysan.
Waxay sidoo kale ka digtay in weerarrada noocan oo kale ah ay sii kordhin karaan dhibaatada bini’aadantinimo ee dalka ka jirta, isla markaana ay sababi karaan barakac horleh oo ku yimaada shacabka deegaanka. Shabakaddu waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo weerarrada ka dhanka ah shacabka rayidka ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan