Soomaaliya oo ka Qayb Qaadanaysa Dhismaha Isbahaysi Caalami ah oo Lagula Dagaallamayo Wax-is-dabamarinta Isgaarsiinta iyo Internetka
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiChongqing – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed H.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Shirka oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Chongqing ee dalka Shiinaha, intii u dhexeysay 27-ka iyo 29-ka Oktoobar, ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka heshiiska, saldhigga sharciyeed ee isbahaysiga iyo hababka ay dalalka ka qaybgalaya isaga kaashanayaan ka hortagga iyo la-dagaallanka falalkan.
- Kulankan ayaa daba socda shirkii lagu daahfuray hindisahan oo horraantii sannadkan lagu qabtay magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha.
- Ka qaybgalka Soomaaliya ee wadaxaajoodyadan ayaa dalka siinaya fursad uu kaga qayb qaato dadaallada caalamiga ah ee lagu dejinayo qaab sharciyeed iyo hab iskaashi oo dalalku u adeegsadaan wax ka qabashada wax-is-dabamarinta ka dhacda isgaarsiinta iyo internetka.
- Shire, ayaa Soomaaliya ku matalaya shir ay wufuud ka kala socota 48 dal uga wada hadlayaan heshiis lagu dhisayo isbahaysi caalami ah oo lagula dagaallamayo wax-is-dabamarinta loo adeegsado isgaarsiinta iyo internetka.
Sida ay sheegtay Shabelle Media

Qodobbada warbixinta
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Chongqing – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed H. Shire, ayaa Soomaaliya ku matalaya shir ay wufuud ka kala socota 48 dal uga wada hadlayaan heshiis lagu dhisayo isbahaysi caalami ah oo lagula dagaallamayo wax-is-dabamarinta loo adeegsado isgaarsiinta iyo internetka.
Shirka oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Chongqing ee dalka Shiinaha, intii u dhexeysay 27-ka iyo 29-ka Oktoobar, ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka heshiiska, saldhigga sharciyeed ee isbahaysiga iyo hababka ay dalalka ka qaybgalaya isaga kaashanayaan ka hortagga iyo la-dagaallanka falalkan.
Kulankan ayaa daba socda shirkii lagu daahfuray hindisahan oo horraantii sannadkan lagu qabtay magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha. Wadaxaajoodyada socda ayaa qayb ka ah dadaallada lagu gogol-xaarayo dhismaha rasmiga ah ee isbahaysiga caalamiga ah.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee wadaxaajoodyadan ayaa dalka siinaya fursad uu kaga qayb qaato dadaallada caalamiga ah ee lagu dejinayo qaab sharciyeed iyo hab iskaashi oo dalalku u adeegsadaan wax ka qabashada wax-is-dabamarinta ka dhacda isgaarsiinta iyo internetka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dagaallamayo · caalami · wax
Sii akhri
- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo magaalada Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika
Hiiraanweyn
- DFS oo Dhallinyarada Soomaaliyeed Udub dhexaad uga Dhigaysa ka qeybgalka Nabadda iyo Amniga
Hiiraanweyn
- Golaha Mustaqbalka oo hal arrin dalbaday, kahor gogosha Xasan
Caasimada Online