Xasan Sheekh oo QM u jeexay khad cas oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka ugu baaqay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ugu gudbeyso doorasho qof iyo cod ah, balse wuxuu ku adkeystay in Soomaalidu ay yeelato lahaanshaha iyo…

Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka ugu baaqay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ugu gudbeyso doorasho qof iyo cod ah.
- Xasan Sheekh wuxuu ku adkeystay in Soomaalidu ay yeelato lahaanshaha iyo hoggaanka geeddi-socodkaas.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in khilaaf xooggan uu ka taagan yahay hannaanka loo marayo doorashooyinka soo socda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka ugu baaqay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ugu gudbeyso doorasho qof iyo cod ah, balse wuxuu ku adkeystay in Soomaalidu ay yeelato lahaanshaha iyo hoggaanka geeddi-socodkaas.
Xasan Sheekh, oo Khamiistii khudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dib-u-habeynta dastuurka ay saldhig u tahay hirgelinta codbixin dadweyne, dhismaha hay’ado lala xisaabtami karo iyo nidaam siyaasadeed oo xisbiyo badan leh.
“Waxaan Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeenna caalamka ku casuumeynaa inay taageeraan isbeddelkan, iyagoo gacan ka geysanaya xoojinta hay’adaha dimoqraadiyadda, laakiin mar walba ixtiraamaya lahaanshaheenna dimoqraadiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha.
Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xooggan uu ka taagan yahay hannaanka loo marayo doorashooyinka soo socda, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradku ay isku hayaan qaabka codbixinta, maamulka doorashada iyo isbeddellada dastuurka.
Waxaa sidoo kale sii xoogeysanaya kala duwanaanshaha ku saabsan doorka ay beesha caalamku ku yeelan karto xalinta khilaafka siyaasadeed.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin madax mucaarad ah iyo hoggaanka Puntland iyo Jubaland, ayaa dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo khilaafka doorashada, isla markaana beesha caalamku door muuqda ku yeelato ilaalinta heshiis kasta oo siyaasadeed.
Warqad uu Golaha Mustaqbalka 11-kii September u diray Golaha Ammaanka ayuu ku dalbaday taageero caalami ah oo lagu gaaro hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.
Goluhu wuxuu sidoo kale soo jeediyey in la sameeyo hannaan dhex-dhexaadin iyo dammaanad-qaad ah oo ay qeyb ka yihiin xubnaha Golaha Ammaanka iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Mowqifkaas ayaa ka duwan kan uu Xasan Sheekh ka muujiyey Golaha Guud ee QM. Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo hay’adaha dimoqraadiyadda, balse wuxuu ku adkeystay in geeddi-socodka siyaasadeed ay Soomaalidu hoggaamiso.
“Ujeedkeenna waa inaan noqono dimoqraadiyad wax ku ool ah, halkaas oo khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, sharci iyo doorashooyin, ee aan lagu xallin rabshado,” ayuu yiri.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay geeddi-socodka dib-u-habeynta dastuurka kala tashatay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka ah, haweenka, dhalinyarada iyo Soomaalida dibadda.
Hase yeeshee, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya in dowladda ay si keligeed ah u maamushay qeybo muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka, isla markaana wadahadallo hore oo lagu doonayey heshiis doorasho aysan wax natiijo ah kasoo bixin.
Khilaafka doorashada
Wadahadalladii ugu dambeeyey ee dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa bishii July kusoo dhammaaday heshiis la’aan, kadib markii labada dhinac ay isku mari waayeen nidaamka codbixinta iyo cidda maamuleysa doorashooyinka soo socda.
Inkasta oo dowladda iyo mucaaradku ay labaduba taageerayaan in Soomaaliya ay u gudubto doorasho toos ah, haddana waxay si weyn isugu khilaafsan yihiin qaabka loo hirgelinayo.
Dowladda federaalka ayaa dooneysa in doorashada lagu galo xisbiyo siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay maamuleyso guddiga doorashooyinka qaranka.
Golaha Mustaqbalka ayaa dhinaciisa soo jeediyey nidaam ku-meel-gaar ah oo shacabka siinaya fursad ay si toos ah u codeeyaan, balse weli lagu ilaalinayo nidaamka awood-qeybsiga beelaha ee 4.5 marka la qeybinayo kuraasta baarlamaanka.
Khilaafka waxaa sii adkeeyey wax-ka-beddellada dastuurka ee baarlamaanka ansixiyey bishii March, kuwaas oo muddada xilka madaxweynaha iyo baarlamaanka ka dhigay shan sano halkii ay markii hore ka ahayd afar sano.
Golaha Mustaqbalka ayaa Golaha Ammaanka ka codsaday inuu taageero waxa uu ugu yeeray “hannaan doorasho oo loo dhan yahay, lana fulin karo”, kaas oo khuseeya hay’adaha federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.
Waxa uu sidoo kale dalbaday hannaan ay dhinacyada caalamku ku dhex-dhexaadiyaan siyaasiyiinta Soomaalida, kuna dammaanad-qaadaan heshiis kasta oo laga gaaro khilaafka.
Xasan Sheekh ayaa dhankiisa Golaha Guud ee QM u sheegay in Soomaaliya ay galayso marxalad cusub oo dimoqraadi ah, taas oo muwaadiniintu ay codkooda ku go’aaminayaan cidda maamuleysa awoodda siyaasadeed.
“Tani waa bog cusub oo horumar leh, halkaas oo awoodda siyaasadeed ay go’aaminayaan muwaadiniinta, iyadoo dastuurku hagayo, sarreynta sharciguna ilaalineyso,” ayuu yiri madaxweynaha.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka ugu baaqay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ugu gudbeyso doorasho qof iyo cod ah, isagoo adkeeyay in Soomaalidu ay hoggaaminayso geeddi-socodka doorashada.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka ugu baaqay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ugu gudbeyso doorasho qof iyo cod ah.
- Xasan Sheekh wuxuu ku adkeystay in Soomaalidu ay yeelato lahaanshaha iyo hoggaanka geeddi-socodkaas.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in khilaaf xooggan uu ka taagan yahay hannaanka loo marayo doorashooyinka soo socda.
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo khilaafka doorashada.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku saabsan eedeymaha dowladda.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallada Madaxweynaha Xasan Sheekh iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahinta khilaafka doorashada iyo codsiga Golaha Mustaqbalka ayaa la weriyay laakiin aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Geeddi-socodka doorashada Soomaaliya ayaa hadda khilaafsan, iyadoo la codsanayo taageero caalami ah iyo hoggaamin gudaha ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin taageerada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ka rabto beesha caalamka?
- Sidee loo xallin doonaa khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka?
- Waa maxay doorka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee dhex-dhexaadinta khilaafka doorashada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · xasan · sheekh
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada