Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Saxiixay Amar Lagu Xoojinayo Ka Hortagga Tacaddiyada Ka Dhanka ah Haweenka
Muqdisho — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay amar ku saabsan Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada Ka Dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay amar ku saabsan Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada Ka Dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.
Amarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu hor istaagayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan kuwa ka dhaca xilliyada colaadaha, iyadoo la adkeynayo ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badqabka haweenka.
Sidoo kale, amarku wuxuu qeexayaa waajibaadyo cad oo la xiriira ka hortagga, soo-sheegidda, baaritaanka iyo wax-ka-qabashada kiisaska tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada colaadaha.
Saxiixa amarkan ayaa ka dhashay wada-shaqeyn iyo dadaallo joogto ah oo ay wadeen Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNTMIS iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Tacaddiyada lagula kaco Haweenka Xilliyada Colaadaha.
Hay’adahan ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala shaqeynayay sidii loo xoojin lahaa ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · taliyaha · xoogga · haweenka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo saxiixay sharciga adag oo ka hortagayo tacdiga loo geysto Haweenka
Raxanreeb Online
- Taliyaha ciidanka xoogga oo maanta saxiixay amar cusub oo ku saabsan…
Caasimada Online
- Taliyaha CXD oo saxiixay wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliga colaadaha
Goobjoog Somali