Wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan oo Muqdisho Soo gaaray
Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Sabti 19 Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Booqashadan ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, taas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Inta ay dalka ku sugan yihiin, wafdiga ayaa kulamo la yeelan doona Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kuwaas oo looga wada hadli doono sii xoojinta iskaashiga labada ciidan iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinaca difaaca cirka.
Booqashadu waxay qeyb ka tahay dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga ee lagu xoojinayo iskaashiga difaaca ee dalalka saaxiibka ah, si loo taageero dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta wafdiga waxaa ka qeybgalay saraakiil iyo xubno ka tirsan jiilka cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wafdi · ciidanka · muqdisho