Qabiil Ciraaqi ah oo sheegay in Burcad badeed Soomaali ah ay kasoo furteen Markab ay Afduubteen
Warka oo kooban
60 ilbiriqsiBasra ( Raxanreeb Online) Qabiil ka soo jeeda gobolka Basra ee koonfurta Ciraaq ayaa sheegay inuu koox burcad-badeed Soomaali ah kala wareegay markab shidaal oo lagu afduubtay kaddib markii dagaal kula galeen Gacanka Cadmeed.
Qodobbada muhiimka ah
- Sida ay sheegeen xubno ka tirsan qabiilka, ku dhowaad 40 qof ayaa u dhaqaaqay dhanka Gacanka Cadmeed, kaddib markii la ogaaday in markab shidaal oo uu lahaa ganacsade Ciraaqi ah la qabsaday, iyadoo shaqaalihii saarnaa lagu hayay gudaha markabka.
- Kooxda ayaa la sheegay inay dadaal u gashay sidii ay u heli lahayd goobta markabka iyo cidda gacanta ku haysay, kaddibna ay qaadday tallaabo lagu doonayay in lagu soo furto markabka iyo shaqaalihiisa.
- Wararka laga helayo dhinaca qabiilka ayaa sheegaya in markabkii dib looga wareegay kooxdii lagu eedeeyay burcad-badeednimada, iyadoo sidoo kale la sheegay in qaar ka mid ah la qabtay, halka qaar kalena ay goobta ka baxsadeen.
- Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya ay weli yihiin marin muhiim ah oo ay maraan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka, iyadoo amniga xeebaha iyo khatarta burcad-badeednimadu ay mararka qaar walaac ka abuuraan maraakiibta isticmaasha waddadan.
Sida ay sheegtay Raxanreeb Online

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Basra ( Raxanreeb Online) Qabiil ka soo jeeda gobolka Basra ee koonfurta Ciraaq ayaa sheegay inuu koox burcad-badeed Soomaali ah kala wareegay markab shidaal oo lagu afduubtay kaddib markii dagaal kula galeen Gacanka Cadmeed.
Sida ay sheegeen xubno ka tirsan qabiilka, ku dhowaad 40 qof ayaa u dhaqaaqay dhanka Gacanka Cadmeed, kaddib markii la ogaaday in markab shidaal oo uu lahaa ganacsade Ciraaqi ah la qabsaday, iyadoo shaqaalihii saarnaa lagu hayay gudaha markabka.
Kooxda ayaa la sheegay inay dadaal u gashay sidii ay u heli lahayd goobta markabka iyo cidda gacanta ku haysay, kaddibna ay qaadday tallaabo lagu doonayay in lagu soo furto markabka iyo shaqaalihiisa.
Wararka laga helayo dhinaca qabiilka ayaa sheegaya in markabkii dib looga wareegay kooxdii lagu eedeeyay burcad-badeednimada, iyadoo sidoo kale la sheegay in qaar ka mid ah la qabtay, halka qaar kalena ay goobta ka baxsadeen.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya ay weli yihiin marin muhiim ah oo ay maraan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka, iyadoo amniga xeebaha iyo khatarta burcad-badeednimadu ay mararka qaar walaac ka abuuraan maraakiibta isticmaasha waddadan.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qabiil · markab · burcad
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada