Wararkii ugu dambeeyay weerarrada Xuutiyiinta ku qaadeen Sacuudiga
Warka oo kooban
50 ilbiriqsiRiyadh (Caasimada Online) – Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee dagaalka adag kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inuu qabtay oo uu burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo ay Xuutiyiintu soo rideen.
Qodobbada muhiimka ah
- Afhayeen u hadlay isbahaysiga ayaa shaaca ka qaaday in difaaca cirka Sacuudigu uu qabtay labada diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo Xuutiyiintu u ganeen dhanka magaalada Riyaad.
- Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in difaaca cirka Sacuudigu uu qabtay oo burburiyay laba gantaal oo ballistic ah oo Xuutiyiintu ku bartilmaameedsadeen magaalada Khamis Mushait, oo ku taalla koonfur-galbeed Sacuudiga.
- Dhanka kae, Boqortooyada Sacuudiga ayaa xalay soo saaray digniino ku aaddan khatar suurtagal ah oo ka dhici karta Khamis Mushait.
- Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan ayaa qaaday weerarro cusub, oo ay ku jiraan kuwa lagu beegsaday Riyaad, iyagoo sii waday weerarrada inkastoo ay beesha caalamku cambaareysay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Riyadh (Caasimada Online) – Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee dagaalka adag kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inuu qabtay oo uu burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo ay Xuutiyiintu soo rideen.
Afhayeen u hadlay isbahaysiga ayaa shaaca ka qaaday in difaaca cirka Sacuudigu uu qabtay labada diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo Xuutiyiintu u ganeen dhanka magaalada Riyaad.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in difaaca cirka Sacuudigu uu qabtay oo burburiyay laba gantaal oo ballistic ah oo Xuutiyiintu ku bartilmaameedsadeen magaalada Khamis Mushait, oo ku taalla koonfur-galbeed Sacuudiga.
Dhanka kae, Boqortooyada Sacuudiga ayaa xalay soo saaray digniino ku aaddan khatar suurtagal ah oo ka dhici karta Khamis Mushait.
Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan ayaa qaaday weerarro cusub, oo ay ku jiraan kuwa lagu beegsaday Riyaad, iyagoo sii waday weerarrada inkastoo ay beesha caalamku cambaareysay.
Dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay kororka weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan Sacuudiga, isagoo sheegay in weerarradu waxyeello u geysteen dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Xuutiyiintu waxay sidoo kale weerarro ka fuliyeen meelaha muhiimka u ah maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga, iyagoo carqaladeeyay isu-socodka badda ee gobolka. Weerarrada iyo xiisadaha ka dhashay ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay qiimaha tamarta.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xuutiyiinta · sacuudiga · qaadeen
Sii akhri
- Sucuudiga oo waxbarashada iskuullada u badelay hab fogaan arag xaalad ammaan awgeed
Goobjoog Somali
- In ka badan 55,000 oo Suudaaniyiin ah oo u qaxay bariga Chad iyadoo dagaalladu sii xoogeysanayaan
Shabelle Media
- Qabiil Ciraaqi ah oo sheegay in Burcad badeed Soomaali ah ay kasoo furteen Markab ay Afduubteen
Raxanreeb Online