Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin iyo baraarujin bulsho ah oo ka dhacay xarunta degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray U-diyaar-garowga munaasabadaha Todobaadka Xorriyadda, Bilic-soo-celinta iyo Adkeynta amniga. Kulanka oo ay sidoo kale k

SO
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV

Akhris kooban

Macnaha qormada

Maxaa dhacay

  • Maqaalku wuxuu sheegayaa in Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), uu hoggaamiyay kulan wacyigelin ah oo ka dhacay degmada Shingaani, kaas oo diiradda lagu saaray diyaarinta munaasabadaha Xorriyadda iyo xoojinta amniga.

Qodobada muhiimka ah

  • Kulanka ayaa xoogga la saaray muhiimadda ka qaybgalka bulshada ee dabaal-degyada Xorriyadda.
  • Hoggaamiyayaasha deegaanka ayaa ku ammaanay horumarka muuqda ee Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
  • Bulshada ayaa lagu booriyay inay ka qayb qaataan qurxinta degmada iyo dayactirka guryahooda.
  • Guddoomiyaha ayaa lagu abaalmarin jiray dadaalkiisa dib-u-dhiska degmada.

Xaddidaadda isha

  • Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
  • Ma jiraan jawaabo ka yimid dhinacyada kale ama dhaleeceeyayaasha oo ku jira maqaalka.
  • Faahfaahinta ku saabsan mashaariicda la xusay ma cadda.

Gunaanadka akhristaha

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo ka qaybgalka bulshada ee dabaal-degyada iyo horumarinta degmada Shingaani.

Waxa weli aan caddayn

  • Mashaariicdee ayaa socda degmada Shingaani?
  • Sidee loo cabbiraa ka qaybgalka bulshada ee Xorriyadda?
  • Maxay yihiin qorshayaasha muddada dheer ee xoojinta amniga deegaanka?

Sababta ay muhiim u tahay

Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin iyo baraarujin bulsho ah oo ka dhacay xarunta degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray U-diyaar-garowga munaasabadaha Todobaadka Xorriyadda, Bilic-soo-celinta iyo Adkeynta amniga.

Kulanka oo ay sidoo kale kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Ku-xigeenkiisa Arrimaha Bulshada, Xildhibaano, Agasimayaal, Waxgarad iyo marti sharaf kale, ayaa shacabka lagu boorriyay inay si weyn uga qayb qaataan dabaal-degyada toddobaadka xorriyadda, iyadoo la xusay muhiimadda ay leedahay muujinta midnimo, waddaniyad iyo taageerada horumarka dalka.

Kulanka oo guudmar ku sameeyay dib-u-dhiska iyo bilic-soo-celinta degmada Shingaani, oo ay mashaariic ka socdaan dhammaan waddooyinka degmada, halka xarunta degmada dib loo dhisay, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan qurxinta degmada iyo dayactirka guryahooda si loo xoojiyo bilicda degmada qadiimiga ah.

Dhanka kale intii uu kulanka socday ayey bulshada degmada Shingaani billad-sharafeed waxa ay ku guddoonsiiyeen Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo dib-u-dhis ku sameeyay xarunta Maamulka degmadaasi tan iyo burburkii.

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralxaruntakulanwasiirka
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.