Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka, oo uu qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha saraakiisha iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac.
Booqashada wafdiga Pakistan ayaa daba socota booqashadii Wasiir Fiqi uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, xilligaas oo labada dal ay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo amniga.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Pakistan, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dal uu taageero mudnaanta qaranka ee dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wasiirka · wafdi · socda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda
Somali National TV
- Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay horumarinta Ciidanka Cirka
Goobjoog Somali
- Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed
Somali National TV