Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC), isagoo beesha caalamka u soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta bulshada, amniga, dowladni
Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax, ayaa khudbad ka jeediyay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlay horumarka Soomaaliya.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiirku wuxuu iftiimiyay guulaha taariikhiga ah ee dalka ka gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.
- Wasiirku wuxuu xusay dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC Completion Point) iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.
- Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) ayaa lagu tilmaamay tubta hagaysa horumarka dalka.
“Wasiirku wuxuu ugu baaqay saaxiibbada horumarinta inay sii xoojiyaan iskaashiga Soomaaliya.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC), isagoo beesha caalamka u soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta bulshada, amniga, dowladnimada iyo sareynta sharciga.
Wasiirku waxaa uu iftiimiyay guulaha taariikhiga ah ee dalka ka gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyadeynta, wuxuu xusay dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC Completion Point), qaadista cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ugu horreeyay muddo ka badan 50 sano, doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo guulaha laga gaaray dib-u-xoreynta deegaannadii laga saaray Khawaarijta.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay tubta hagaysa horumarka dalka, isla markaana uu saldhig u yahay u-guurista horumar waara oo ku dhisan kobac dhaqaale, maalgashi iyo hoggaan qaran, iyadoo si tartiib tartiib ah looga gudbayo ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo.
Wasiir Beenabeene ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay qorsheynta ku saleysan xogta, xoojinta nidaamka tirakoobka qaranka iyo horumarinta go’aan qaadashada ku dhisan caddeymo, kuwaas oo sare u qaaday dabagalka iyo qiimeynta horumarka laga gaarayo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.