Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo ka wada hadlay arrimaha gobolka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Addis Ababa ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha… Sii akhri
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed si looga wada hadlo xoojinta xiriirka labada dal.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.
- Waxaa la qorsheynayaa in la kor u qaado iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarka.
- Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha xisbigiisu ka gaaray doorashooyinka Itoobiya.
“kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya”
Sababta ay muhiim u tahay: Kulankan ayaa muhiim u ah xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Addis Ababa ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia, kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay isu maray dalalka deriska ee Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha waddamadaas.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.