Xogta qorshihii Mareykanku ku doonayay gobolka NFD dib loogu celiyo Soomaaliya
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Maqaalku wuxuu sheegayaa qorshe Mareykanka ka soo baxay sanadkii 1978 oo lagu doonayay in Madaxweyne Jomo Kenyatta lagu qanciyo inuu Gobolka Waqooyi Bari (NFD) ku wareejiyo Soomaaliya, sida ku xusan qoraal sir ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Qorshahan xasaasiga ah ayaa ku xusan qoraal sir ah (memorandum) oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka 28-kii Febraayo 1978-kii, inkastoo weli la qariyay magaca sarkaalkii qoray.
- Qoraalka ayaa lagu soo jeediyay in haddii Kenyatta uu aqbalo hindisahan, Kenya la siiyo kaalmo dhaqaale oo magdhow u ah dhulka ay lumisay, halka Soomaaliyana la siin lahaa lacag ay ku horumariso gobolka cusub ee lagu soo wareejiyay.
- Sarkaalkan ayaa aaminsanaa in maqaamka iyo awoodda siyaasadeed ee Jomo Kenyatta ay yihiin kuwa keliya ee suurtagelin kara tallaabo culus oo noocan ah.
- “Hubaal, Kenyatta oo keliya ayaa leh miisaanka lagu qaadi karo tallaabo sidan u weyn,” ayuu ku qoray warqadda.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay ahayd jawaabta Madaxweyne Kenyatta ee qorshahan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa soo jeediyay qorshe lagu qancinayo Madaxweyne Jomo Kenyatta inuu Gobolka Waqooyi Bari (NFD) ku wareejiyo Soomaaliya.
- Qorshahan xasaasiga ah ayaa ku xusan qoraal sir ah (memorandum) oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka 28-kii Febraayo 1978-kii.
- Sarkaalkan ayaa aaminsanaa in maqaamka iyo awoodda siyaasadeed ee Jomo Kenyatta ay yihiin kuwa keliya ee suurtagelin kara tallaabo culus oo noocan ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Xilli saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Kenya ay u diyaar-garoobayeen safar ay ku tagaan magaalada Washington sanadkii 1978-kii si ay u soo weydiistaan hub ay isaga difaacaan Soomaaliya, sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa soo jeediyay qorshe aad uga duwan oo lama filaan ah: in Madaxweyne Jomo Kenyatta lagu qanciyo inuu Gobolka Waqooyi Bari (NFD) ku wareejiyo Soomaaliya.
Qorshahan xasaasiga ah ayaa ku xusan qoraal sir ah (memorandum) oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka 28-kii Febraayo 1978-kii, inkastoo weli la qariyay magaca sarkaalkii qoray.
Qoraalka ayaa lagu soo jeediyay in haddii Kenyatta uu aqbalo hindisahan, Kenya la siiyo kaalmo dhaqaale oo magdhow u ah dhulka ay lumisay, halka Soomaaliyana la siin lahaa lacag ay ku horumariso gobolka cusub ee lagu soo wareejiyay.
Sarkaalkan ayaa aaminsanaa in maqaamka iyo awoodda siyaasadeed ee Jomo Kenyatta ay yihiin kuwa keliya ee suurtagelin kara tallaabo culus oo noocan ah.
“Hubaal, Kenyatta oo keliya ayaa leh miisaanka lagu qaadi karo tallaabo sidan u weyn,” ayuu ku qoray warqadda. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ogaa in shacabka Kenya ay u arki doonaan dhiibista dhulka calaamad daciifnimo iyo cabsi ah, Mareykankana lagu eedeyn doono inuu ka shaqeynayo kala qeybinta Kenya.
Si looga gudbo caqabaddaas, qoraalku wuxuu ku taliyay in marka hore la diyaariyo jawiga siyaasadeed ka hor inta aan lala hadlin Kenyatta.
Tallaabooyinka la soo jeediyay waxaa ka mid ahaa in la ururiyo xog muujineysa in Gobolka Waqooyi Bari uusan weligiis faa’iido dhaqaale u soo kordhin doonin Kenya, kaddibna fikirka ah in dhulkaas la wareejiyo lagu dhex faafiyo wargeysyada, joornaallada cilmi-baarista iyo telefishinnada, si arrintu u dhex gasho aqoonyahanka iyo madaxda Kenya.
Intaas kaddib, xildhibaanno Mareykan ah oo booqanaya Nairobi ayaa lagu waday inay arrinta soo hadal qaadaan iyagoo tixraacaya maqaallada horay loo daabacay.
Hindisahan ayaa yimid xilli xasaasi ah, maadaama 1-dii ilaa 3-dii Maarso 1978-kii ay Washington ku wajahnaayeen wafdi culus oo ka socday Kenya, kuwaas oo ay ku jireen Madaxweyne ku-xigeenkii xilligaas Daniel Arap Moi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda Munyua Waiyaki, Xeer-ilaaliyihii Guud Charles Njonjo, iyo Wasiirkii Maaliyadda iyo Qorsheynta Mwai Kibaki.
Ujeeddadoodu waxay ahayd inay Mareykanka ka helaan hub difaac ah sida diyaaradaha dagaalka, gantaallada lidka taankiyada ee TOW iyo madaafiic, iyadoo Kenya ay ka cabsi qabtay in Soomaaliya ay xoog dib ugula wareegto Gobolkeeda Waqooyi Bari.
Xilligaas Mareykanku wuxuu qorsheynayay inuu 10 milyan oo doollar ku daro kaalmada difaaca ee sanad-maaliyadeedka 1979-kii, taas oo wadarta taageerada tan iyo 1976-kii ka dhigaysay 70 milyan oo doollar oo lagu soo iibinayay 12 diyaaradood oo ah nooca dagaalka ee F-5, fulinta ballanqaad uu horay u sameeyay Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Henry Kissinger.
Hase yeeshee, sarkaalkii qoray warqadda sirdoonka ah wuxuu qiray in waddaniyadda Soomaaliyeed — oo ku dhisan luuqad, dhaqan, diin iyo isir wadaag — ay tahay quwadda siyaasadeed ee ugu xooggan Geeska Afrika.
Sidaas darteed, wuxuu ku dooday in xasilloonida gobolku ay ku jirto in la tixgeliyo hamiga dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana Mareykanku ogolaado in Soomaaliya ay qaadato Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaden) ee Itoobiya iyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Wuxuu rumeysnaa in lacag lagu bixiyo gobolkaas aysan soo celin karin daacadnimada dadka Soomaalida ah, balse wareejintiisu ay yareyn doonto kharashka difaaca Kenya, kordhin doonto horumarka gobollada kale ee Kenya, isla markaana abuuri doonto kalsooni dhex marta Washington iyo Muqdisho.
Qorshahan wuxuu kala kulmay diidmo adag gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
In ka badan shan bilood kaddib, 2-dii Agoosto 1978-kii, sarkaal sare oo lagu magacaabo Anthony Lake ayaa soo saaray jawaab uu ku tilmaamay qoraalkaas mid “daandaansi ah.”
Lake wuxuu ka digay in dhiirrigelinta Kenya si ay dhul u wareejiso ay burburin doonto xiriirka Washington iyo Nairobi, isla markaana ay si toos ah uga hor imaanayso mowqifka Mareykanka iyo Ururkii Midowga Afrika (OAU) ee ku aaddan ilaalinta xuduudihii laga dhaxlay gumeysiga, taas oo xasillooni-darro ka abuuri karta qaaradda Afrika oo dhan.
Labadan dokumiinti ma caddeynayaan in qorshahani uu noqday siyaasad rasmi ah oo Mareykanku qaatay ama in mar uun loo soo bandhigay Madaxweyne Kenyatta, kaas oo geeriyooday saddex toddobaad uun kaddib markii uu Anthony Lake qoray warqaddiisa diidmada ah.
Balse xogtan ayaa daaha ka qaadaysa xisaabtan siyaasadeed oo layaab leh: in xilli wasiirrada Kenya ay Washington u joogeen inay soo raadiyaan hub ay ku difaacaan Gobolka Waqooyi Bari, sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanku uu ka shaqeynayay sidii madaxweynahooda loogu qancin lahaa inuu gobolkaas iska dhiibo.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa qorshe Mareykanka ka soo baxay sanadkii 1978 oo lagu doonayay in Madaxweyne Jomo Kenyatta lagu qanciyo inuu Gobolka Waqooyi Bari (NFD) ku wareejiyo Soomaaliya, sida ku xusan qoraal sir ah.
Qodobada muhiimka ah
- Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa soo jeediyay qorshe lagu qancinayo Madaxweyne Jomo Kenyatta inuu Gobolka Waqooyi Bari (NFD) ku wareejiyo Soomaaliya.
- Qorshahan xasaasiga ah ayaa ku xusan qoraal sir ah (memorandum) oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka 28-kii Febraayo 1978-kii.
- Sarkaalkan ayaa aaminsanaa in maqaamka iyo awoodda siyaasadeed ee Jomo Kenyatta ay yihiin kuwa keliya ee suurtagelin kara tallaabo culus oo noocan ah.
- Haddii Kenyatta uu aqbalo hindisahan, Kenya la siiyo kaalmo dhaqaale oo magdhow u ah dhulka ay lumisay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo jeediyay.
- Magaca sarkaalkii Mareykanka ee soo jeediyay qorshahan lama shaacin.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid dowladda Kenya oo ku saabsan hindisahan.
Gunaanadka akhristaha
Mareykanku wuxuu lahaa dan istiraatiiji ah oo ku saabsan gobolka dhamaadka 1970-meeyadii, sida ku cad qorshahan ku saabsan Gobolka Waqooyi Bari.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay ahayd jawaabta Madaxweyne Kenyatta ee qorshahan?
- Sidee shacabka Kenya u arkeen fikradda ah in la wareejiyo NFD?
- Maxay noqon doonaan saameynta muddada-dheer ee hindisahan ku yeelan doonto xiriirka Mareykanka iyo Kenya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · qorshihii · dib
Sii akhri
- Soomaaliya oo Nairobi ka furtay shirka dib-u-eegista hirgelinta Axdiga Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa
Shabelle Media
- Ciidanka Difaaca Soomaaliya ayaa bilaabay tababarka cutub cusub oo ka kooban askar iyo ciidamo cusub
Hiiraanweyn
- Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya hirgelinta jaamacad ciidan
Puntland Post